Madaxwayne Siilaanyo oo Magacaabay Safiiro cusub

0

Hargaysa(AN) Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magacabaay safiiro Cusub Warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada S/land oo nuqul kamid ah soo gaadhay Xafiiska Shabakada Arabsiyonews ayaa waxa u dhignaa sida atan

 

Taariikh: – 12/12/2015

WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-3714/122015 ku magacaabay Danjireyaal cusub.

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dallalka dibeddu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya iyo wakiilka wareega ee Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu La-tashaday:        Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah.

 

Markuu ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

1. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.

2. In Mudane, Raabi Cabdi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.