10/11/2015, waxay ahayd maalintii loo qoondeeyay qabsomida shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, iyo cugashada shiqsiyaadka uu Xisbigu ummada reer Somaliland hor keeni lahaa si uu ugu tartamo hanashada mar kale madaxnimada dalka, markii warkaa la shaaciyay waxaa si mug leh debeda ugu soo baxay arrin la filaayay oo ahayd inay jiraan xubno xisbiga ka mid ah oo hunguri ka hayo inay jagooyinka ugu sareeya xisbiga u ordaan, iyo weliba kala duwanaansho aragtoyo siyaasadeed, waana wax iska caadi ah in bani’aamadku yeesho han iyo fikrado is khilaafsan intaba.
Loolan badan iyo shirar gooni gooni ah ka dib waxaa la gaadhay ammintii balantu ahayd, iyo abaartii kulanka, xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo iyagu ahaa kuwa iska leh go’aaminta cidda ay farta u taagayaan oo tiradooda guud ahayd illaa Saddex Boqol iyo Siddeetan (380) xubnood, waxaa goobtaa ka soo xaadiray, ku dhawaad , Saddex Boqol, iyo Lixdan Xubnood.
Waxaa codayntii la qaaday oo dadwaynuhu si toos ah, (Live) war baahinta wax laga daawado ugala socdeen u dacday sidan.
1. Musharaxa Madaxwayne, Muuse Bixi Cabdi, 334, Xubnood Haa, waxaa Diiday,14 xubnod, waxaa ka aamusay 7, xubnood.
Xubnaha diiday inay Muuse u codeeyaan waxaa ka mid ahaa, xubno wasiiro ah, iyo Masuuliyiin shaqaale sare ah, sidoo kale xubnaha ka aamusay u codayta musharaxa, waxaa iyana ka mid ahaa xubno xilal sare dawlada ka haya.
2. Musharaxa ku xigeenka, C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil( Saylici) waxaa codka Haa siyay 234, xubnod, inta kale wax diiday iyo wax ka aamusay bay isugu jireen.
3. Musharaxa Ku xigeenka labaad, Dr Saleebaan Axmed Ciise ( Xago toosiye) waxaa codka Haa, siiyay 114 xubnood. Cidii kale ee timaadaana sidaasay nasibkeeda u qaadi lahayd, masaay iman
In tani waa intii bulshadu horayba u ogayd oo maan sheegin wax cusub, waxaanse qalin qoraalkaygan uga dan leyahay, iftiiminta laba qodob oo kala ah,
1: ma jirtay in doorashadii halkaa ka dhacday lays afduubay?
2: iyo maxaad Muuse Biixi ku doorateen?
In badan waxaan war baahinta ku arkaayay dad ku andacoonaya dadka waa la qasbay, afduubay dorashadu ahayd iwm.
Waxaan jecelahay inaan ereygan marka hore uga jawaabo sida qoraalka qaybtiisa hore uga jawaab celisay, oo ah in aanay jirin cid la afduubay, sababtoo ah waxaynu soo sheegnay inay wasiiro ka codeeyeen Muuse Biixi ciddina aanay ku ceebsan, aniga ruuxaygu waxaan ka mid ahaa xubnihii ka codeeyay ku xigeenka C/raxmaan Saylici, mana jirin cid tidhiy maxaad codka sidaa u tidhiy?
Sidaa waxaa inna faraaya nidaamaka dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay, iyo Dasuurka qaranka oo qofka muwaadinka ah xaq u siinaaya inuu cidduu rabo uu codkiisa siiyo.
Intaas waxaan rabaa inaan ku dhaafo iftiiminta ah, inaay waxba kama jiraan yihiin wax fara badan oo dadka lagu jaha wareeriyay.
Qodobka labaad ee aan doonaayo inaan isna maanta ka jawaabaa waa kan kale ee ah sababta aanu Muuse Biixi ku xulanay, marka hore waa wax sax ah in bulshadu iska tafniido/baadho shaqsiga ay aayaheeda ku aaminayso, waanna lagama maarmaan in laga qanciyo cidda loo cugtay iyo sababta oo biyo kama dhibcaan ah.
Hadaba inta aynaan su’aashaa ka jawaabin, aan su’aal ka horgayno oo nidhaahno bal Muuse Biixi noo sheega waxaad idinku ku qoonsatee, waxay kuu soo qadimayaan Saddex qodob, oo runtii ay adagtahay in caqliga fiyoobi ku qanco, kuwaasoo kala ah,
1. Ninkani waa Jabhad. (SNM)
2. Aqoonahaan iyo shaqo ahaanba waa Askari.
3. iyo Muuse waa nin ad adag!!.
Dadka sidaa leh, qodobadan hadaad mid mid u waydiso dhamaantood, waxay uga wada garaabayaan si wax ku ool ah, (Positive)
1. markaad ku tidhaaho, adeer Jabhadku miyaani kii wadanka innoo qabtay ahayn? Oo la’aantii aanay suura gal ahaateen in ay Somaliland samaysanto? Yaase Jabhadiinta kaga mudan hogaanka dalka? Dhamaan bulshadu way ka garaabayaan, waxaanay leeyuhun cidna!!!
2. hadaad u raaciso su’aal kale oo isla waydimihisa ka mid ah, oo tidhaaho Askarigu miyaanu xaq u lahayn innuu wadanka madax ka noqdo? Wuxuu ku leeyahay, wuu u leeyahay oo xaq Distoori ah.
3. Waydii su’aasha u dambaysa, oo ku dheh, nin adag qof ahaan iyo maamul ahaanba, iyo mid jilicsan keebayn u baahanay? Jawaabtiisu waxay noqqtaa, waxaa ina dilay laga soo bilaabo markii Somaliland la abqaalay, maamul anyu nidhaahno wuu jilicsan yahay, sidaa awgeed waxaynu u baahanay mid adag oo lagu kala waabto.
Hadaba intan uu shacabku ka marag kacay waxaan u raacin lahaa, labadan eray oo kala ah sidan
1. Ogow ninka lagu yidhaaho Askarigu, waa qofka ugu wadanka jecel umadda oo dhan sidiisaba, Muuse Bixina, kolay anigu dadka is leh aqoon baad u leedahay baan ka mid ahay, waayo waxaan iqiinay laga soo bilaabo May 1985kii oo ahayd markii uu ku soo biiray ururkii SNM, waxa qudha ee aan ku hubo isaga iyo nimanka kale ee Askarta ahba, inaan Somaliland looga cabsi qabin, oo ay jiritaakeeda ka daacad yihiin, waana kuwii wakhtigii Askariga loogu baahida badnaa naftooda fideeyay, oo u qaybsamay wax dhintay, in dhaawacantay, iyo kuwo is dhaafay maskax ahaan, sidaa awgeed waadadka inoogu mudan cid aynu u abaal celino
2. laga soo billaabo asaaskii iyo dib ula soo noqoshadii Jamhuuriyada Somaliland, waxaa ugu badan oo ka mid ah waxyaalaha hadba dawlada jirta lagu canaanto, maamul iyo hogaan jilicsan, waana sababta loo aanaynaayo in nin waliba meesha loo dhibo uu isagu yeesho oo cidna kaga mildhaawi waayo, kana yeelo haba siday la noqoto ama uu doonno.
Markaa, hadaad su’aalahaas qabteen, waxaanu leenahay, Muuse sidaasaanu ku qaadanay, idinkana idiinku dooray , waxaanan aaminsanahay inuu yahay, hogaamiye xaaladan adag inaga saari kara.
Waa bilahaahi Tawfiiq








