Innaa Lillaah wa innaa ileyhi raajicuun.’ Waa geeri iyo camalkeed. Aan ku cudur-daarto tuduc aad u gaaban oo ku jiray maansadii Daalacan ee Hadraawi oo ah:
![]() |
(1948kii – 2015ka)
“Geeridu dibnaha waa mid qudha, dihasho yeedhmeede,
Kala daran se waa kala dareen, dugayda dhiilleede,
Axmed Xasanna tii naga dishaay, dubatay jiidhkayga,
Dar Ilaahay waan kaa naxee, diric miyaad qaadday,
Dadkii baad ka wada oohisee, danab miyaad aastay,
Dayaxaad madoobaysayeed, damisay nuurkiisa,
Dib miyaan indhaha loo tusayn, Diirshe Ina cawke?
Doobtiyo rakaaddiyo codkii, dananka reemaayey,
Dib miyaan Ducaaloow dheguhu daacad u maqlaynin?”
Baroor-diiqda Dayax-madoobaad ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,
Qormada: 1aad
Hargeysa, 21/11/2015ka
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Arabsiyo Office









