BOOLIISKA HARGEYSA OO SARRIFLAYAASHA SUUQA HARGAYSA AMARO CUSUB KU SOO ROGAY

0

Hargeysa (AN) Booliiska Hargeysa qaar ka mid ah ayaa duhurnimadii manta booqday suuqa sarrifka lacagaha qalaad, waxaanay ku amreen inay lacagaha ay suuqa wadhaan ka taxadiraan oo ay dhigtaan meelo baydhsan oo ay ku ilaashan karaan.
Booliiska booqday suuqa Sarrifka lacagaha qalaad ayaa ka koobnaa askar iyo saraakiisha saldhigyada degmooyinka qaarkood, kuwas oo u muuqday inay heegan ahaayeen, waxaanay sarriflayaasha ku war-galiyeen inay taxadir dheeraad ah iyo foojignaan sameeyaan.
Lama garanayo sababta Booliiska Hargeysa ugu war-galiyeen sarriflayaasha inay ilaashadaan lacagahooda, iyadoo la ogyahay lacaga kala duwan ee wadhan badhtamaha Suuqa Hargeysi inay tahay astaanta cid kasta oo booqataa ku qanacdo Amaanka Somaliland in uu ka sugan yahay kuwa dunida horumaray.
Illaa hada ma jirto xaalad la odhan karo waxay abuuri kartaa in laga sameeyo qaylo dhaan intaas leeg, hase yeeshee wxaa jira tibaaxo iyo warar aan rasmi ahayn oo ay ciidamadda amaanku helayaan, kuwaas oo ay ka cabsi qabaan inay iman karto mar kasta oo khilaafka xisbiga Kulmiye sii jiitamo.
Booliiska iyo Milatariga Somaliland ayaa heegan la galiyey tan iyo markii uu soo shaac baxay muranka siyaasadeed ee ka dhex jira xisbul xaakimka Kulmiye, kaasoo sababay inay iscasilaan wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office