War Degdega: Madaxtooyada oo warqad ka dhan ah kaadh qaadashada golaha dhexe ee C/casiis Samaale dhigtay Xarunta Xisbiga Kulmiye iyo Yooyootanka Maxamed Biixi

0

Hargaysa(AN) wararka naga soo gaadhaya xarunta Xisbiga Kulmiye ayaa sheegayaa in  ay udirtay Waraaq ka dhan ah Wasiirkii hore ee Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale ahna Musharax Madaxwyne ee Xisbiga dhexdiisa

Waraaqdaas ayaa ilahan xogogaal ka ee aan ka helnay Xarunta Xisbiga Kulmiye ay sheegayaan in galinkii hore ee maanta la keenay Warqad amar ah taas oo kadhan ah C/casiis Samaale  ka qayb galka shirwaynaha Golaha Dhexe iyo xubinimada  Xisbiga

waxaanay warqadani sheegaysaa sidoo kale in aan wax kaadh ah  oo uu kaga qayb gali karo shirwaynaha 5aad loo somayn shirkana uu kayahay dibada

Talaabadan ayaa noqonaysa mid lagu wiiqayo  awoodaha isbaahaysiga musharaxiinta Xisbiga Kulmiye waxaanu warkani farxad balaadhan uyahay Gudoomiyaha  Muuse Biixi Cabdi taas oo ugogal xaadhaysa in uu sifudud uga talaabsado xulafadii uu hogaaminayey Maxamed Biixi Yoonis

Sidoo kale Talaabadan waxa ka biyo diiday Wasiirka Arimaha Dibada S/land Maxamed Biixi Yoonis oo maalmihii udanbeeyey Saaxiib dhow ay ahaayeen Samaale

waaxaana ila ka ogdhow Madaxtooyada shabakada Arabsiyonews u xaqiijiyeen in goaankaas markii uu maqlay Wasiir Biixi dhacdadan  uu ka galay dagaal  afka ah la dhex tagay madaxtooyada taas oo ilaahada dhag jalaq loosiin

waxaanay ila wareedyadani intaa ku dareen in lagu qanciyey Wasiir Biixi in heshiisyadii dhexdhexaadinta Xisbiga ee shalay lasoo afmeeray ay kamid ahayd in C/casiis Samaale laga takhaluusay waxaana laagu hanjabay in hadii waa sida wararku sheegayaane uu ka waantoobi waayo garabsiinta Samaale uu mari doonaa wadadii Sheekh Samaale

Arabsiyonews.com