Hargeysa(AN)Guddoomiyaha hay’adda Samofalka Taakulo, Cumar Jaamac Faarax, oo ka mid ahaa xubnaha komishanka doorashada Somaliland ka socday ee shalay maamulka Puntland afduubay ayaa sharaxay sababaha loo afduubay iyo hawlaha ay u socdeen.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee komishanka doorashada Somaliland Axmed Cali Biixi, xildhibaanad Qamar Taleex oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Ceerigaabo, masuuliyiinta laba urur oo waday wacyigalinta diwaangalinta iyo darawalada laba gaadhi oo ay wateen ayaa maanta xorriyadooda dib u helay kadib markii ciidamo Puntland taabacsani shalay kaxaysteen.
“Shalay labadii duhurnimo anagoo Hadaaftimo iyo Yube dhexdeeda marayna ayay ciidamo hubaysan oo Puntland ahi na qabteen, anaga iyo agabkayagii iyo gaadiidkayagiiba way la wareegeen, waxayna nagu xidheen saldhig military oo ciidanka Puntland ku leeyihiin magaalada Badhan,” ayuu yidhi Cumar Jaamac Faarax oo VOA-da la hadlay.
Waxa uu ka hadlay ujeedka safarkooda “Tiradayadu waxay ahayd 8 qof waxaanuna u soconay wacyigalinta diwaangalinta codbixiyeyaasha, arrintaas ayaanu wadnay oo waxaanu doonaynay inaanu Badhan iyo ilaa Dhahar iyo nawaaxigeeda soo maro. Waxaa na qabsaday maamulka Puntland oo diidanaa siyaasadda iyo barnaamijka doorashada Somaliland oo Puntland soo galaya, sidaasi ayay noo sheegeen,” ayuu yidhi Madaxa ururka Taakulo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in si sharaf leh loola dhaqmay “ Wanaagsan oo sharaf leh ayaa naloola dhaqmay inkasta oo agabkii nalagala wareegay. Agarbka nalagala hadhay waa kii wacyigalinta ee waraaqihii aanu sidanay ee aanu dadka u qaybinaynay ee aanu gidaarada ku dhejinaynay wax kale se nooma gaysan oo gaadiidkayagii, hantidayadii iyo anaguba aad baanu u nabad qabnaa,” ayuu yidhi.
Wuxuu sheegay inuu soo daayay ninka madaxda ka ah ciidanka afduubtay “ Waxaa na soo daayay taliyaha ciidanka jiida Badhan ee Puntland Cabdillaahi Cumar Cashuur ninka la yidhaahdo, oo si wanaagsan noola dhaqmay na soo raaciyayna ciidan na keenay Yube iyo Jiidali dhexdooda. Wuxuu ninkaasi yidhi dad badani wuu ila soo xidhiidhay laakiin waxaan idinku soo daayay wax isku ahaanshaha dadka, degaanka iyo dadkana waan garanayaa, markaa go’aan uu isagu qaatay ayuu ahaa,” ayuu yidhi Mr Cumar.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay inaanay aaggaasi ka soconayn diwaangalinta codbixiyuhu “Anagu waa nagaa dib uga soo noqonay, barnaamij aanay labada dawladdood ka wada socona kama fuli karo, sidaasi ayaanu uga soo noqonay hadda,” ayuu yidhi, isagoo intaasi raaciyay inay qaybaha kale ee gobolka Sanaag ka sii wadayaan wacyigalinta diwaangalinta,
Xukumadda Somaliland, gaar ahaana siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada bari ayaa si weyn u dhiiri galinaya sidii doorashada 2017 ee wakiilada iyo madaxtooyadu uga dhici lahayd gobolada bari oo aanay hore doorashooyinka Somaliland u gaadhi jirin, balse wali ma cadda inay ka dhici doonto iyo in kale iyadoo arrintani hor dhac u ah caqbado dhinaca ammaanka ah.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office








