Komishanka doorashooyinka Qaranka S/land oo warsaxafadeed ka soo saaray xubnihii la afduubay

0

Hargaysa(AN) Komishanka doorashooyinka S/land ayaa warsaxafadeed ka soo saaray xubnihii maalintii shalay la afduubay ee ka tirsanaa shaqaaalaha Komishanka Gobolka Sanaag

Warsaxaafadeedka Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland

Republic Of Somaliland Jamhuuriyada Somaliland National Electoral Commission    Guddida Doorashooyinka Qaranka Taar: 19/10/2015 Ref: PR/134NEC WAR-SAXAAFADEED :

Maalintii Shalay oo ay Bisha Oktoobar ahayd 18/2015, waxa si lama filaan ah loogu qabsaday meel u dhexaysa Yuube iyo Hadaaftimo, koox ka socotay wacyigalinta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo masuuliyiin ka tirsan KDQ heer gobal ah, oo ka ambabaxday magaalo madaxda gobolka Sanaag.

 

Masuuliyiinta hawshan waday waxay siteen warqada qoraal ah oo lagu wargalinayey shaqada ay u qabanayaan KDQ. Warqadan oo ka soo baxday KDQ, kuna socotay dhamaan; -Gudoomiyayaasha Gobolada dalka. Maayarada Gobolada dalka. Guddoomiyayaasha komishanka heer gobal. –               Gudoomiyayaasha komishanka heer degmo –        Iyo masuuliyiinta kale ee heer gobol iyo mid degmaba ah. Ka hor bixixitaankii masuuliyiinta xagga Sanaag bari, waxay masuuliyiintu la shireen, maamulka heer gobal iyo degmoba Ceerigaabo una gudbiyaan fariinta ay ka sidaan KDQ. KDQ markuu la xidhiidhay, Suldaanka guud suladaan Saeed Suldaan Abdislaan suladan Ali shire, maamulka gobalka iyo masuuliyiintii hawsha waday waxa ay xaqiijiyeen in la soo af jaray hawshaa, masuuliyiintiina dib ugu soo laabteen magaalada ceerigaabo.

 

 

 Allaa mahad leh

 Komishaneer: Saciid Cali Muuse