Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Masuuliyiin Ka Tirsan Somaliland Oo PUNTLAND Afduubtay

0
Hargeisa (AN ) Xisbiga mucaaridka WADDANI ayaa si adag uga hadlay Saraakiil ka tirsan Somaliland oo maamul goboleedka Puntland ka qafaashtay magaalada Yubbe ee oo qiyaastii 30 Km dhinaca bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag.
 
 
 
 
Xoghaye ku xigeenka Warfaafinta ee xisbiga WADDANI Cabdirashiid Jeeni ayaa daandaansi iyo gardaro ku tilmaamay talaabada maamulka Puntland ku afduubeen masuuliyiintan oo kala ah Gudomiyihii Komishanka Doorashooyinka ee gobolka Sanaag, Madax ka tirsan haayada Taakulo oo kashaqaynaysa wacyigelinta diiwaangelinta Doorashada ee gobolada bariga iyo weliba xildhibaan Qamar Taleex oo ka tirsan golaha deegaanka ee Degmada Ceerigaabo.
 
 
 
 
Cabdirashiid Jeeni waxa uu xukumadda ugu baaqay inay jawaabta ku haboon si degdeg ah uga bixiso talaabadan Puntland kusoo xad gudubta Dalka .
 
 
 
”Waxa la xaqiijiyey in masuuliyiih reer Somaliland ah oo isugu jira Xildhibaan Golaha Deegaanka ee Ceerigaabo iyo xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka ee Gobolka Sanaag ay ciidamada PUNTLAND ka af-duubteen deegaanka Yubbe oo ku yaal bariga Gobolka Sanaag, Masuuliyiintani waxay halkaa u joogeen hawl qaran oo ahayd wacyigelinta diiwaangelinta codboxiyeyaasha, In muwaadiniin ku jira shaqo qaran la afduubtaa maaha wax sahlan, waa daandaasi dagaal iyo gardarro ay PUNTLAND ku dooneyso iskudhac hor leh, Waxa xusid iyo la-yaabba mudan in mas’uuliyiintaas qafaalasho loogu haysto magaalada Badhan oo isla Somaliland ah, Xukuumaddeennu markii hore dadkaa ammaankooda ma ay sugin, haddana weli Arrintaas weli kama ay hadlin, waa in aynu Qaran ahaan ka bixinnaa jawaabta ku haboon. Masuuliyiintaasna waa in si dhakhso ah loogu soo celiyaa guryohooda.” Ayuu Jeeni ku yidhi qoraal kooban oo ku baahiyay bartiisa xiriirka Bulshada ee Facebook