Mas’uuliyiin lagu afduubtay Gobolka Sanaag IYO xaladooda halka ay ku danbeeyen

0

Ceerigaabo(AN)Mas’uuliyiin lagu afduubtay Gobolka Sanaag Sida uu goor dhoweyd uu cadeeyay guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Fly, waxaa maanta lagu afduubtay tuulada Yubbe oo 50-km bari ka xigta magaalada Ceerigaabo guddoomiyihii gudiga doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi, xildhibaanad Qamar Taleex oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Ceerigaabo iyo afar qof oo kale oo la socday.

 

Gudoomiyaha gobolka Sanaag, wuxuu BBC u sheegay in dableydii qabsatay madaxdaasi  ay haataan geeyeen magaalada Badhan. Warar madax banaan weli kama soo bixin.