London(AN)Fanaaniinta Caanka ah ee Maxamed Bk, Daa’uud Cali Masxaf, Sahra Ilays iyo Dayr Waa ayaa soo gaadhay Dalka Ingiriiska, waxaana siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada London.
Fanaaniintan oo ka qayb galaaya barnaamijka Todobaadka Soomaalida (Somali Weeek) oo sannad kasta lagu qabto Caasimada London, waxaa garoonka diyaaradaha kaga hortagay xubno kamid ah Tageerayasha bahda Sugaanta, waxaana laga dareemaayay xubnaha Jaaliyada soo dhaweysay xiisaha ay u qabaan xubnahan.


















