Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii Hore Ee Dawladdii Ku Meel Gaadhka Somaliya Oo Ka Hadlay Kulankii Uu La Yeeshay Gudoomiye Cirro Iyo Waxa Uu Ka Aaminsan Yahay Gudoomiye Cirro

0

“Gudoomiye Cirro Waa Ninka Qudha ee Midnimadii Soo Celin Kara Waanu Kulanay Taageerana waanu Siinaynaa..Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii Hore ee Somaliya.

 

“Wadahadalada  Somaliya iyo Somaliland anigaa bilaabay wax kasta oo walalahayaga reer Waqooyi (Somaliland) rabaana waan uga tanaasuli jiray, Laakiin Xasan Shiikh iyo Raggiisu Wadadii aan Jeexay Way ka leexdeen Iyagaana Burburiyay…..Sheekh Shariif Sheekh Axmed

 

Abu-Dhabi, (AN) – Madaxweynihii Hore ee Dawladdii ku meelgaadhka ahayd ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Marna ahaa Gudoomiyihii Fulinta ee Maxaakiimtii islaamiga ahaa ee Somaliya Mudooyinkii Dambena ku noolaa Dalalka Maraykanka iyo Yugandha ayaa Bilihii u Dambeeyay u Soo diga rogtay Dalka Isu taga Imaaraadka Carabta Gaar ahaan Caasimadda Dalkaasi  ee Abu Dhabi Halkaasi oo uu guri weyn ka siiyay Dhaxal sugaha Dalkaasi  Sheekh Maxamed Sheekh Saayid Alnahyaan.

Haddaba dhawaan Waxa gurigiisa ku Booqday Xubno ka tirsanaa Baarlamankii Hore ee Somaliya ee uu Madaxweynaha u ahaa oo u badnaa kooxdii Muqaawimada loo yaqaanay ee Asmara ay ka wada Yimaadeen Gurigan oo ku yaala Xaafadda Khaliifa 1 Ayaa Kooxdan booqatay ay iska waraysteen Xaaladda Dalka Somaliya ka mandaqada iyo ka guud ahaan Dhulka Somalidu Degto.

Xildhibaan Ka mida Xildhibaanaddii Xilligaasi kana soo jeeda Somaliland ayaa waydiiyay Kulamo uu la yeeshay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxman Cirro oo markaa uu Sheekh Shariif Sheegay inuu booqasho gurigiisa ugu yimi iyo wada hadaladda Somaliland iyo Somaliya Waxa u Sababa Hakad ku yimi.

“Walaahay Gudoomiye Cabdiraxmaan Gurigayga ayuu iigu yimi waxa la socday Siyaasiyiin isugu Jira Reer Koonfur iyo Reer Waqooyi (Reer Somaliland iyo Reer Somaliya)Horena Shirarkii Wada hadalada markay Bilaabmeen ayaanu is baranay mar dambena turkiga ayaanu ku kulanay Salaan ayay ahayd iminkana maadaama uu Somaliland madaxweyne ka rabo wixii aan tari karo inaan la qabto ayuu iga codsaday.

Waa nin SoomaaliNimada Jecel Waxaan Qabaa inuu Yahay Ninka Keliya ee Hadduu Taladda Somaliland Qabto Midnimadii Somaliya Wax ka Qaban kara ama Dalkii iyo Dadkii Kala Tegey isu keeni Kara Waana nin  af Gaaban oo Diblamaasiya waan hubaa in Hankiisu Fog Yahay markaa Siyaasi kasta oo Soomaaliya Waxaan kula talin lahaa inuu la shaqeeyo, isaguna wuu iga codsaday inaan la shaqeeyo Mana aha Nin Caloosha ku Haya Dhibtii waqooyi ka dhacday in bog cusub la furo ayuu aaminsan yahay

Dhinaca kale mar uu ka hadlayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee Istaagay Wuxuu eedooda dusha ka saaray Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh isagoo sheegay intuu madaxweynaha ahaa inuu tanaasul badan sameeyay.

“Wada hadalada waxa diciifiyay oo Burburiyay Eedda Fashilkana iska leh Xasan Sheek Madaxweynaha Somaliya iyo Raggiisa Anigu Markii Shirkii Ingiriisku noo Qabtay 2012 Febraury 23keedii Qodobkii Lixaad wuxuu ahaa in Somaliya iyo Somaliland wada hadal yeeshaan  arrimahoodana ka wada hadlaan shirkii u Horeeyay Turkiga ayaanu ku yeelanay kii labaad halkaas ayaanu ku yeelanay ilaa kii u dambeeyay ee aannu Dubay heshiiska laba geesoodka ku kala saxeexanay,Anigu Sheekh Shariif ahaan mar kasta Walaaladayada Reer Waqooyi Tanaasul ayaan u samayn jiray si aannu u soo jiidano hawada qaata, badda qaata, caawimada qaata wax kasta oo ay soo qortaan waan saxeexi jiray,Weliba Wasiiradayda Arrimaha Debedda iyo Kuwa Waqooyi ka soo jeeda uma diri Jirin,Maxamed Cabdilaahi Oomaar,Cali Axmed Jaamac Jingali reer Waqooyi Bay ahaayeen iyo Kuwa kale midna uma dirin Wasiirkii Arrimaha Gudaha Xildhibaan Cabdisamad ayaa annaga Xagayga Weftiga Hogaamin Jirin Markii Dambena Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha iminka ee Galmudug ayaa hogaamin jiray markii u dambaysay ee uu Burburo Khaladka waxa lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ka leexday ujeedadii Wada hadalka.

Hadaladan Sheekh Shariif Sheekh Axmed Ayaa ku Soo Beegmaya isagoo Dhawaan Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro Sheegay inuu la kulmay Sheekh Shariif balse Abudabay tahay meel Transitku ku badan yahay oo ay Transit ahaan isu arkeen isagoo xilligaa daba socday Qoraalo hore u Qoray Wargeyska Sahan, Waxaanu idiin soo gudbin doonaa qoraalo kale oo ganacsato reer Somaliya Kaalmo Dhaqaale ugu yabooheen Gudoomiyaha Xisbiga Wadani iyo Xisbigiisaba Waxaanu Wargeyska Sahan Tooshka ku Ifinayaa Cid kasta oo gasha Khaayimal Wadan oo Gooni isu taaga Qaranka Reer Somaliland ka soo horjeeda oo uurkiisa iyo Afkiisu ka nooc Yahay.

 

Xigasho Wargayska Sahan

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office