Musharaxiinta la tartamaysa Muj Muuse Biixi Cabdi oo wajib gabax kala kulmeen dood raqiis ah oo ay la hortageen Saylici

0

Hargaysa(AN) Waxa manta kulan albaadu uxidhan yihiin ku yeeshay aqalka Madaxwayne Kuxigeenka S/land Saylici  sadexda Musharax ee uhanqaltaagaya madaxtinimada Xisbiga kuwaas oo kala ah Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis Wasiirkii hore ee Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale iyo Xildhibaan Kajaandhe ,masuuliyiintan ayaa kulan garnaqsi ah utagay Aqalka Saylici kaas oo ka dhan ah soo xulista Gudiyada ee xisbiga

Ila wareedyo ka agdhaw shirkaas ayaa shabakada Arabsiyonews u xaqiijiyey  in xubnahani  ay kabiyo diideen  qaabka Gudiga golaha dhexe  iyagoo  Madaxwayne  kuxigeenka kala hadleen  sida ilahani sheegayaan   in ay mihiim tahay sidii Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi  loola ogaan lahaa Golaha  Dhexe ee Xisbiga

Taas oo kulankan uu ka biyo diiday M/kuxigeenka S/land C/raxmaan Saylici  waxaanay ilahani  intaa ku dareen in  in C/raxmaan Saylici uxaqiijiyey Musharixiintan  in Gudoomiye Muuse Biixi umadaxbanaan yahay Ergayda golaha dhexe ee Xisbiga una banaynayo qawaaniinta iyo xeerarka Xisbiga Kulmiye

Waxaanu Saylici sicad ugu sheegay masuuliyiintan in ay uhogaansamaan qawaaniinta Xisbiga iskuna kalsoonaadan

Kulankaas dhexmaraya M/kuxigeenka iyo sadexdan xubnood ayaa  lagu soo kala kacay waxaana si wayn uga cadhooday sadexdan masuuliyiintan waxaanay guriga M/kuxigeenka kasoo huleelen  iyagoo wax natiijo ah ka sidin Saylici

Waxaanay ilowareedani intaa ku dareen in Masuuliyiintani intaas ku qancin oo kulano kale ka abaabuleen Guriga C/casiis Samaale  ilaa hadana aan lagu soo kala bixin  iyo goaanka ay ka qaadanayaan

Hadalka M/kuxigeenka kazoo yeedhay

Isku soo wadaduuboo Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa ah kuwii hore khilaafka xisbigu uga dhashaykaas oo  ay badi soo xuleen garabkii uu hogaaminayey C/casiis Samaale

Taas oo markii danbe la isla qaatay

Ergaydan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa si sharci loo waafajiyo  ayaa liistada waxa ladhigay Maxkada Sare  JSL iyo xeer ilaalintaba

Taas oo lafjab ku noqonaysa qaabkii ay umajarahabaain lahaayeen Garabka musharixiinta Bidix ee Xisbiga Kulmiye kaas oo uu hogaamiyo Wasiirka Arimaha Dibada

Ilaahadana waxa shaki badan iyo iska dabawareeg qaba Groupka Wasiir Biixi oo muuqda niman dagaalka Musharxnimo geed dheer iyo geed gaaban ufuulaya

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk