Berbera(AN)- Xukumadda madaxweyne Siilaanyo oo shalay sheegtay inay dejisay xiisaddii wareejinta haamaha shidaalka Berbera ka abuurtay gobolka Saaxil ayaan wali ogolayn in heshiiska lagu wareejinayo haamaha la hor keeno golaha wakiillada Somaliland ooh ore u laalay qorshaha xukumaddu ku wareejinayso haamaha.
Wasiirka ganacsiga Dr Muuse Qaasim, ayaa ku dooday in heshiiska haamuhu yahay mid maxali ah oo dad muwaadiniin ah oo haamaha ku shuban jiray shidaalka uun haddana lagu wareejinayo, inkasta oo aanu Dastuurku heshiisyada dawliga ah u kala saarayn maxali iyo caalami.
“ Dawladdu waxay kala leedahay qaybo. Waxay kala tahay fulin iyo sharci dejin. Anagu fulintii baanu nahay. Fulintu waxay xaq u leedahay wixii hawl maalmeedkeeda ah inay fushato. Heshiiskani maaha heshiis caalami ah, ee muwaadiniintii ay awalba u kiraysnayd ayuun baa laga kireeyay, wuxuna waa kirayste iyo kireeye ee wax laga wareejiyay iyo wax lagu wareejiyay midna ma jiro,” ayuu yidhi Wasiirka ganacsigu, isagoo Salaasadii ka hadlayay Berbera.
Xukumadda ayaa wareejinta Haamaha shidaalka Berbera u cuskatay awooda uu siiyay qodobka 12-aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland oo farqaddiisa saddexaad sidan u dhigan tahay:-
3. Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacanta ku hayso, hanti-guurto ama ma-guurto ah, inay ubsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.
Golaha wakiillada Somaliland ayaa iyaguna cuskanaya qodobka 53, farqaddiisa 3-aad oo golaha awood u siinaysa heshiisyada dawliga ah inay ansixiyaan waxaanu u dhigan yahay sidan:-
3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soosaarid ama wax-ka beddelid qaanuun.
Xukumadda ayaa aad u doonaysa in shirkaddaha shidaalka soo dejiya oo 6 ah lagu wareejiyo haamaha shidaalka Berbera, inkasta oo aanay si tafatiran bulshada ugu sharixin sababaha loogu wareejinayo, balse mucaaradka ayaa naasnuujin ku macneeyay wareejinta Haamah
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








