Guddoomiyaha guurtida Somaliland Oo markii u horaysay ka hadlay xiisada Awdal ka soo cusboonaatay

0

Hargaysa(AN)-Guddoomiyaha aqalka guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii u horaysay ka hadlay xiisada Awdal ka soo cusboonaatay, waxaanu ku tilmaamay mid sahlan oo iska qaboobaysa, waxaanu sheegay inaanay guurtidu wax door ah ka qaadanayn dajinta arrimahaasi.

 

Ugu yaraan laba dhalinyaro ah ayaa ku dhintay rasaas boolisku ku dejinayay rabshado daawashada ciyaaraha ka dhashay intii uu socday goobka Gobolada. Sidoo kalena laba askari ayaa ku dhintay weerarkii guriga badhasaabka  kooxda Wabar ku qaaday, waxaanay arrimahaasi xiisad ka abuureen gobolka Awdal.

 

Guddoomiyaha guurtida oo saxaafaddu waydiisay aragtidiisa arrimaha Boorama ayaa yidhi “Wax dhibaato ahi ma jiraan. Way iska qaboobaysaa inshaa Allah ee duceeya. Inshaa Allah guurti ahaan halkii aanu ka gali lahayn Illaahay inaguma gaadhsiiyo,” ayuu yidhi guddoomiyaha guurtidu.

 

Guddoomiye Saleebaan ayaa arrimaha ka taagan gobolka Awdal ka leexiyay inay lug ku leeyihiin kooxda Wabar “Anigu  Wabar maanta u nisbayn maayo dhibaatada gobolka ka taagan,” ayuu yidhi Mudane Saleebaan iyadoo la waydiiyay inay guurti ahaan guddi u dirayaana wuxuu yidhi “Maxaanu guddida ugu diraynaa ma reero ayaa is haya, guddi iyo odayaal looma baahnee.”

 

Geesta kale badhasaabka gobolka Awdal Mudane Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa mar uu saaka ku sugnaa garoonka Xaaji Daahir Stadium oo ay ka socdeen ciyaarihii u dambeeyay ee wajiga hore ee isreebreerbka waxa uu Idaacadda Radio Hargeysa ka sheegay in xaaladda gobolka wanaagsan tahay. Waxa uu ku dooday in saxaafadda lagu buun buuniyay dhacdooyinkii gobolka ka dhacay, waxaanu tacsi u diray Askarta gurigiisa ku geeriyootay iyo labada dhalinyarada ah, isagoo ku gaabsaday inay si gaar ah oo faahfaahsan uga hadli doonaan arrimaha Awdal.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk