Hargaysa(AN) Wasiirka wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa maanta wadanka Denmark kaga qayb galaya shir uu soo abaabulay urur lagu magacaabo SPARK oo la isugu keenayo wasiirada wershadaha iyo ganacsiga ee Somaliland, Somaliya iyo Puntland.
Shirkan oo maanta furmaya, sida jadwalkiisa ka muuqata waxa lagaga hadlayaa maalgashiga, ganacsiga, shaqo abuurka iyo arrimo kale oo khuseeya arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga. Wasiir Shucayb Maxamed Muuse oo ka socda Somaliland, waxa shirka ku wehelinaya Wasiirul dawlaha ganacsiga iyo wershadaha Somaliya Maxamed Xasan Aadan iyo wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdile
Wasirka Warshada Somaliland oo Goobtaasi ka Hadlay Sheegay Inanay Wax Cashuura Ka Qaday Dadaka Maalgashiga Ka Samaynaya Somaliland Isago Ku Dhirigaliyaay Qurabajoogtii shirkaa ku sugnaan Inay Malgashi Sameeyaan
Halkan Hoose Ka Daawo Muqaalka Shirka Iyo Hadaladii Laga Jeediyay
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








