Magac Dilka Badhasaabka & Maayarka Gabiley iyo Calooshooda u Shaqaystayaal Lacag lagu Siinayo inay Taageeraan Boobka Xukuumadu Ku hayso Haamaha Shidaalka Berbera

0

Gabiley (AN)-Maamulka Gobolka iyo Degmada Gabiley ayaa Bilaabay Barnaamujkii waji ku Macaashka ee Hantida Shacabka lagu Bixinjiray in Lagu Taageero Boobka Hantida Ummadda ee Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo u Xuubsiibatay tan iyo intii ay ka dhamaatay Muddo Xilleedkii Xalaasha ahaa ee Loo Doortay Tallada Dalka Xisbiga Kulmiye.

Badhasaab Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Maayar Maxamed-Amiin Cumar Cabdi oo Fulinaya Ammarada Wasiir Xirsi ayaa Lacag ku siiyay Xubno Calooshooda ushaqaystayaal oo Magaca ka Dilaya Gobolka Gabiley iyo Shacabkiisa kuwaasi oo Sheeganaya inay Matalaan Gobolka Gabiley isla markaana ka Dhigaya in Gabiley Xukuumada ku Taageersantahay Boobka Haamaha Shidaalka Berbera ee Golaha Wakiiladu Laalay in Danta Guud inta yar ee ka Hadhay aan la iibin.

Masuul sare oo Sugan Magaalada Wajaale oo Gabiley News ka Codsaday inaan Magaciisa la Sheegay ayaa Sheegay in Maamulka Gabiley Lacag u Qaybiyeen Qawlaysto Laaluush ku Qaatay in Xukuumada Xilkeedii Dhamaaday lagu Taageero Boobka Hantida umadda ee ay sii Xaalufinayaan inta aanay ka tagin.

Mustafe Shiine oo Dhawaanahan Safar ugu Maqnaa Magaalada Jigjiga oo Looga yeedhay ayaa intii uu Wajaale Joogay Lacag uqaybiyay isla markaana ka Codsaday inay Caayaan Gudoomiyaha Wadani isla markaana Taageeraan in Lagu Wareejiyo Cid gaar ah Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera.

Maaha markii ugu horeysay ee Calooshooda ushaqaystayaal Noocan ahi Magaca Gabiley adeegsadaan isla markaana Maamulka Gobolka Laaluush ku Siiyo sidii loo caayi lahaa Cid kasta oo Xukuumada ka Hortimaada kuwaasi oo Canbaar ku ah Sharafta iyo karaamada Shacabka Reer Gabiley ee ka Dhiidhiya Dulmiga Shacabkooda lagu hayo meel kasta oo ay joogaan.