Hargaysa(AN)-Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay soo dhawaynayaan hadalkii uu dhawaan ku baaqay hogaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo sheegay in uu wada hadal toos ah la gelayo Somaliland, isla markaana ay yihiin dad khariidad iyo dalba wadaaga.
Sidaasina waxa shaaca ka qaaday Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax,waxaanu sheeay in Somaliland ay aad u soo dhawaynayso in ay wada hadal la yeelato Cali Khaliif, isla markaana wixii tabashooyin ah ee jira lagu dhameeyo is-afgarad.
Waxa uu tilmaamay Baashe in ay jireen wada hadallo qarsoodi ahaa oo hore u dhex maray xubno ka socday maamulka Khaatumo iyo Somaliland isla markaana hadda la gaadhay wakhtigii ay labadda dhianc yeelan lahaayeen wada hadallo toos ah.
Baashe Maxamed Faarax, waxa uu intaas ku daray in aan weli si rasmi la iskula qaadan goorta iyo meesha ay wada hadaladu ka qabsoomayaan hase yeeshee la isla qaatay in sida ugu dhakhsaha badan ay wadahadaladu u bilaabmaan. isagoo xusay in ay jiraan guddi ay Somaliland u saartay in ay wadahadaladaasi u metelaan.
“Aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa, in wadahadal lala gallo Cali Khaliif Galaydh, oo wixii tabasho ah ee jirtay lagu dhameeyo wada adal iyo is-afgarad, waana tallaabo fiican. Somaliland waa la ogaa oo wakhti hore ayaa madaxweynuhu gogol nabadeed u fidiyay. markaa aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay haddii ay iyaguna qoladda Khaatumo soo dhaweeyeen in la wadda hadlo, Somaliland-na diyaar ayay u tahay inay wada hadalka ka qaybgasho.Wakhti dhawayd ayaa la goostay in lala hadlo qoladda Khaatumo, wada hadaladuna way socdaan, laakiin wakhtigii iyo balantii ayaan weli la qaban. Xaggan Somaliland-na gudi ayaa loo saarayaa wada hadaladda ka qaybgasha, laakiin weli in mudadii la qabto ayaa hadhsan. Markaa wada hadalkii halkana wuu ka socdaa u diyaar garowgiisu, wuxuun baa la isla sugayay sidii la isku qabili lahaa.
Waxay ahayd in ay mar horeba wada hadaladu bilaabmaan waa la is-dhafdhaafay ciidii Ramadaan ka dib inay wada hadaladu bilaabmaan ayaanu filaynay, laakiin raggii xidhiidhku noo socday ayay qaar kala maq-maqnaayeen”.ayuu yidhi Baashe oo u waramay wargayska xukuumadda ee DAWAN
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda oo aanu waydiinay sababta keentay wakhtigan in Cali Galaydh soo dabco, iyadoo hore loo ogaa halka uu ka taagnaa arrimaha Somaliland iyo gooni isku taageeda, waxa uu ku jawaabay “Waxani waa iska siyaasad oo marba meel ayay taagna tahay, markaa waxaa loo qaadan karaa, waa wada hadaladii hore ee socday inuu soo dhawaaday wakhtii la wada hadli lahaa. Waa siyaasi, siyaasiguna, anigu ku odhan maayo waxaas ayaa ku dhaliyay. Mar haddii uu isagu soo dhaweeyay, Somaliland-na way soo dhawaynaysaa, wda hadalkaasi horena wuu u socday hadana waxaanu rejaynaynaa in ay wakhti dhaw wada hadalku uu bilaabmo”
Waxa kale oo aanu waydiinay Baashe Maxamed Faarax, waxa ka jira warar sheegaya in wada hadaladani ay ka qabsoomayaan magaaladda Addis Ababa, isla markaana ay qayb ka tahay dhexdhexaadinta dawladda Itoobiya waxaanu yidhi “Maya, maya, wada hadalku weli wakhti iyo meel la qorsheeyay in lagu qabto midna ma leh.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








