Mucaardka Iyo Muxaafadka Oo Kala Wata Mooshino Xilalka Lagaga Qaadayo Siilanyo Iyo Cirro

0

Hargeysa (AN) Ilo xogogaal ah oo Wargeyska Waaheen helay ayaa sheegaya in Xukumada Madaxweyne siilaanyo qorsheynayso mooshin maamus ka xayuubin ah oo xilka kaga qaaddo Guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro), mooshinkaasi oo la soo dhigidoono fadhiga ugu horeya ee golaha oo ku began bacdal Iida, shirar hoose oo la sheegay in ay galeen qaar ka mid ah Wasiirada xukumada iyo xildhibaanada kulmiye ee golaha wakiilada ku jira kuwaasi oo ka wadda hadlay sidii mooshin ka dhan ah Cirro golaha loo horkeeni lahaa, si maamus ka cayuubin loogu sameyo Guddoomiyaha.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Xukumada Madaxweyne Siilaanyo ay ka cadhootay gacantii golaha wakiilada ee hore ugu jirtay oo ka sii baxaysa isla markan Guddoomiye Cirro golihii isku duboritay ka dib markii Heshiiskii Kaydka Haamaha shiidalka Berbera ee ay xukumadu damacsanayd in ay ku wareejiso shirkado madaxbaan Golaha wakiiladu hor istagay isla markan waxba kama jiran ka dhigay.

Waxa la sheegayaa in Xukumadu Cabsi weyn ka qabto in haddii heshiisyo kalena ay golaha soo hordhigto in sidii heshiisan muranku ka taagan yahay oo kale lagu diido.

Waxa kale oo la sheegay in Madaxtooyadu ka cadhootay warqadii uu Guddoomiye cirro uu dib ugu celiyey madaxweynaha.

Dhanka kale Xildhibaanada mucaaridka ee golaha wakiilada ayaa la sheegay in ayguna ka diyaar garoobe Duufada kaga soo socda Xildhibaanada Muxaafidka ee xukumada dabada ku haya, waxana la sheegay in iyaguna waddan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo Maamus ka xayuubin ah.

Mooshinadan iska soo kala horjeeda ee  la sheegayo in  ay kala wataan Xukumada iyo Mucaaridku ayaa waxay dalka sii galin karan qas siyaasadeed oo aan loo bahan iyada oo muddo kooban ay ka hadhsan tahay wakhtiga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiiladu.