Hargaysa(AN)Komiishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka Somaliland waaxda cilmi Baadhista iyo waxbarashada ayaa qabatay kulankii Bilaha Ahaa oo ay kula kulmeen ururada aan dawliga ahayn,waxaana kulankan lagaga doodayay Halka ay Marayso Xuquuqda Aadamahu.
Kulankan oo ka dhacay magaalada hargaysa ayaa lagaga doodayay Halka ay marayso Xuquuqda Aadahamu,kuwaas oo lagu lafo gurayay Xaalka ay Xuquuqdu ka gaadhay Somaliland iyo Sidii loo ilaalin lahaa Sharafta Qofka.
Aqoon is waydaarsigan ayaa waxa soo qaban-qaabiyay Komiishanka Xuquuqul Aadamaha isaga oo u qabtay Ururada Aan dawliga ahayn kuwaas oo Araah kala Duwan isku dhaafsanayay Sidii kor loogu soo qaadi lahaa.
waxa kulanka ka soo qayb galay
Guddoomiye ku xigeenka Xuquuqul insaanka Qaranka oo ay weheliyaan Xubno ka Mid Ah Gudida Sare ee Komiishanku Liibaan ismaaciil Moxamuud. –
ugu Horayn Kulankan ayaa waxa faah-faahin ka Bixiyay ujeedka loo qabtay kulankan Bilaha Ah Guddoomiye ku xigeenka Xuquuqul Aadamaha Maxamuud Garaad Maxamed Waxaana uu yidhi.
“inta ku shaqada leh Xuquuqul insaanka waxa waajib ah bil walba aakhirkeeda inta ku shaqada leh in ay Xuquuqul insaanka in ay kulmaan,xogta wadaagno,isna dareen siino halkee ayuu xuquuqul insaanku ka liitaa,kana hadalno kuwa Caruurta ka shaqeeya,kuwa ka shaqeeya waxbarashada ayaa loo baahan yahay inta aynu meel isla dhigno wixii inaga dhiman aynu buuxino,cidii wax ku kaftay lays waydiiyo dabadeena hawlaha sida ugu haboon loowado.
Intaas waxa uu ku daray Guddoomiye ku xigeenka Komiishanka Xuquuqul insaanka Somaliland Maxamuud Garaad Maxamed waxaana uu yidhi.”waxa loo baahan yahay in aynu isla meel dhigno bishan maxaynu qabanay,sanadkan maxaynu qabanaa oo aynu Horumarinaa,kulankan taanu u qabanayna runtii taas hortu weeyaan,muhiimada koobaadna waxaynu maanta ku saaraynaa Barnaamijkan Xuquuqul insaanka,Markaas qolo ayaa u haysata in Komiishanka oo uu madaxwaynahu digreeto ku magacaabay inaan sidii loogu talo galayb wax u qaban Karin,taasina waxba kama jiraan.
waxa uu sheegay in Komiishanka Xuquuqul insaanku u shaqeeyo bulshada cidii xad gudub samaysana madax iyo Shacaba, sharcigu qabanayo isaga oo meesha ka saaray in komiishanku Xukuumada Dhabarka Saaro,waxaana uu u sharaxay shacabka in Ay u adeegaan waxaana uu yidhi.
“inagu waxa aynu naqaanaa ama sida uu xeerku dhigayo hadii khalad jiro waxa ay muhiimadu tahay in Ay haay’add Qarani wax ka qabato,manin Shacab ah ayaa danbi ka galay mise Masuul qaran waxa waliba waxa ay leeyihiin hawlo iyo xeerar loo Maro,waxaan odhan lahaa meel kasta oo cadaalad daro ka jirto haday noqoto jeelasha iyo goobaha kale waxa ay u baahan yihiin in sida loo maarayn karo inaad u maaraysaan.
waxa uu raaciyay intaas”.Hadaynu rabno in aynu Horumarino Shir kale inta aynu iskugu nimaadno oo nin waliba talada uu hayo keeno oo halka u baahan in wax laga qabto inaga isku duuban isku raacno oo anaga oo idin horsocona idinla tagno hadii wax laga qaban waayo,markaas ayaynu maagaynaa cida wax laga sheegayo,anagu waxaanu leenahay ururadan inaan idiin sheego in aynu wararka is waydaarsano oo aynu wada shaqayno oo aynu qorsho yeelano.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay cida majaraha dalka u haysa in aanay iyaga qusaynin balse loo baahan yahay sidii loo hagaajin lahaa xuquuqul insaanka oo qorshayaal loo dhigii lahaa,loona bad-baadin lahaa Dadka muwaadiniinta ah ee ku cadilan gudaha somaliland iyo Sidii talaabo looga qaadi lahaa dadka ku gafa ama meel kaga dhaca Xuquuq qof kale. –
“Qofka Sharaftiisa,Maalkiisa saddexdaas in la ilaaliyo ayaa waajib ah oon meel lagaga dhicin waa xaqiisii,Markaas hawlo badan ayaa ina sugaya waxaas oo dhan dadaal ayaa ay u baahan yihiin hawlahuna way inoo Socon Doonaan. –
Arabsiyonews.com Office Gabiley Somaliland








