Beijing (AN)-China ayaa maanta oo khamiis ah u dabaal degaysa guushii ay ka gaadheen dagaalkii labaad ee adduunka markii ay ka adkaadeen Jabaan oo dagaal kusoo qaadey.
Munaasabad balaadhan ayaa ka socota magaalada caasimadda ee Beijing, waxaana ka qaybgalaya masuuliyinta ugu sareeya ee dalkaas iyo wafuud caalami ah oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Park Guen-hye iyo madaxwaynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al bashiir.
Madaxweynaha China Xi Jinping ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabada uu amaan balaadhan kala dul dhacay dadka reer China oo uu ku tilmaamay in ay si adag ula dagaalameen isla markaana ka adkaadeen gardarradii uga timid dalka Jabaan.
Ilaa 12,000- oo kamid ah milateriga China iyo 200 diyaaraddo dagaal ayaa lagu arkayay hawada Beijing iyo fagaaraha caanka ee Tiananmen.
Geesta kalena Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay booqashada la filayo in Madaxweynaha Sudan uu ku tago dalka Shiinaha, xilli Maxkamadda Caalamiga ay u jartay ruqsad lagu soo xidhayo, kadib markii lagu soo oogay dacwad la xidhiidhta dambiyo dagaal.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa sheegtay in Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir uu u safri doono Shiinaha, si uu ula kulmo dhigiisa Xi Jinping, waxaana uu ka qeyb galayaa maanta oo khamiis ah dabaal dega markii laga guuleystay Japan dagaalkii labaad ee Adduunka-Warbaahinta Tooshnews
Al-Bashiir ayaa tagay Shiinaha sanadkii 2011, iyadoo dowladda Shiinaha ay danaynayso saliida ay soo saarto Sudan, loona dhoofiyo dalkaas
Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka Mark Toner oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Washington ayaa sheegay in Mareykanka ay rumeysan yihiin in Madaxweyne Al-Bashiir aan la soo dhoweyn safaradiisa illaa uu cadaaladda ka wajahayo.
“Sida aad ogtihiin waxaa soo eedeysay Maxkamadda ICC, wuxuu galay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xasuuq”ayuu yidhi Mark Toner.
“Ruqsada lagu soo xidhayo wali way taagan tahay, anagana waxaa si xoogan u taageereynaa dadaalka Maxkamadda ICC ee lagula xisaabtamayo dhammaan kuwa ka mas’uulka ah ficiladaas, waxaa ka soo horjeednaa fududeynta ama taageerida safarka dadka dambiyada ka yaala Maxkamadda ICC’ ayuu yidhi Mark Toner.
Maxkamadda dambiyada Caalamiga ah ayaa Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir ku soo oogtay dambiyo dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sanadkii 2009-kii, isagoo lagu eedeeyay inuu xasuuq ka geystay Gobolka Darfur.
Ciidamada Jabaan ayaa Sanadkii 1937-dii ay xoog ku galeen qeybo kamid ah China, waxaana dagaal socday mudo ku dhintey 14-milyan oo qof oo u badan dadka reer China.




















