Janaale (Arabsiyonews ) -Afhayeenka Al-Shabaab Sh, C/Casiis Abu Muscab ayaa sheegay inay guul ka gaareen weerarkii ay dagaalamayaashooda ku qaadeen saaka saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Janaale ee G/Sh/hoose.
“Guud ahaan Janaale iyo saldhigii AMISOM annaga ayaa hadda maamulna oo gacanteena ayay ku jirtaa waxaana daadsan meydadka askarta AMISOM” ayuu yiri Abu Muscab oo Al-Shabab u hadlay waxaana uu intaa ku daray in weerarkaas ay ugu aar gudayeen dad ay ciidamada AMISOM ku dileen dhawaan magaalada Marka dadkaas oo hal qoys ka koobnaa.
Abu Muscab waxaa uu ku faanay in weerarkooda oo aha mid qorshaysanaa kuna bilowday qarax ka dhashay gaari la miineeyay ay ku dileen kontomeeyo askari sida uu sheegay inkastoo warbaahinta Al-Shabab lagu qoray in 80 askari ay ciidamada AMISOM ka dileen.
Askarta la dilay waxay badankood u dhasheen dalka Uganda sida uu sheegay afhayeenka Al-Shabab hub ayuu sidoo kale sheegay inay saldhiga ka heleen.









