Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Ka Xog-waramay Natiijada Kulan Dhex-maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddida Cadaaladda
Hargaysa(AN):-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Aadan X. Cali Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan maanta ay xarunta Madaxtooyada ku yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddida cadaaladda.
Garyqaaan Aadan X. Cali waxa kale oo uu sheegay in kulankaasi la iskula qaatay sidii loo dardargelin lahaa cadaalada iyo garsoorka dalka.
“Halkan maanta waxaanu kula kulanay Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxaanu qaabilay garsoorayaasha Maxkamadda sare iyo xubnihii guddida cadaaladda, markaa wuxuu kala hadlay dardar-gelinta cadaaladda iyo sidii arrimaha garsoorka xooga loo saari lahaa. Runtii Madaxweynuhu wuu dhiirigeliyay, waxaanu u balanqaaday wixii baahiyahooda ah inuu wax kala qaban doono.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha
Maxkamadda sare
Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxa uu intaas ku daray “Waxa kale oo iyaguna joogay xubno kale oo kala ah Wasiirka cadaaladda, Wasiirka warfaafinta, Wasiiru dawlaha Madaxtooyada iyo madax kale, guddida cadaalada iyo garsoorka oo aan hoggaaminayay anigu ayaa Madaxweynaha la kulmay, markaa annaguna aad baanu ugu faraxsanahay waanan soo dhaweynay, balanqaadbuu sameeyay, tallooyin, dhiirigelin iyo tusaaliooyina wuu u soo jeediyay oo ah inay hawsha dardargeliyaan. Markaa kulan fiican buu ahaa oo aad u qiimo badan, waxna ka tari doona xaga cadaaladda.” Ayuu yidhi Garyaqaan Aadan X. Cali
Arabsiyonews.com Office Gabiley








