Hargaysa(AN)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland MD Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay saami qaybsiga xildhibaanada wakiiladda Somaliland,kaasi oo uu sheegay in loo baahan yahay in qodobo dastuurka Somaliland ah la furo si xal loogu helo khilaafka saami qaybisga wakiiladda.
“ aad iyo aad ayaanu uga xunnahay oo waa gobolo muhiim ah, waxaanu xalku ku jiraa inaynu is qancinno. Xeerkani wuxuu ku jiraa ajandaha, ajandahana wuxuu ugu jiraa maaha in bari ama saadambe la soo dhigayo ee xeerka kolba kii diyaar ah ayaa la soo dhigayaa golaha,” ayuu yidhi Mudane Baashe.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in loo baahnaa in xeerka doorashooyinka wakhti hore la bilaabo,waxaanu soo jeediyay in dasturka Somaliland la furo.
“Xeerkan in wakhti hore la bilaabo ayuu ahaa, waxaanse soo jeedinayaa in la furo dastuurka, in laba ama saddex qodob la furo ayaan talo ku soo jeedinayaa. Furistiisa waa in saddexda gole ku heshiiyaan, haddaanay ku heshiinna lama furi karo, markaa waxaan soo jeedin lahaa in tirada xildhibaannada la kordhiyo, in dalka laba madaxweyne xigeen loo sameeyo, iyo in sidoo kale la bedelo qodobkan dhibta inagu haya ee doorashaa dib u dhacday keenaya”, ayuu yidhi Mudane Baashe.
Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaanada Galbeedka Somaliland Casho ka muujiyeen saami qaybsiga xildhibaanada golaha wakiiladda Somaliland ku soo baxaya.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








