Madaxwaynaha Dalka Masar oo soo saaray sharci caqabad ku ah saxaafada madaxa banaan

0

Qaahira(AN)Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al Sisi ayaa ansixiyey sharciga cusub ee la dagaalanka Argagaxisada, kaasi oo si khaas ah caqabad ugu noqonaya saxaafadda Madaxa-banaan ee wadankaasi.

Sharcigan cusub oo lagu kordhinayo shuruucdii hore ee la dagaalanka argagaxisada ayaa waxaa ku qoran in suxufigii faafiya war kaduwan wararka kasoo baxa dowlada lagu ganaaxi doono lacag gaareysa $25.000 dollar, sida Horseed Media kasoo xiganeyso wakaalada wararka ee xukuumada Masar.

Sharcigan ayaa lagu sheegay in looga hortagayo faafinta wararka lidi ku noqon kara amniga dalka iyo waliba been ka sheegida waxa loogu yeeray xogta rasmiga ah ee kasoo baxda hay’adaha dowlada Masar.

Dhinaca kale Maxkamado gaar ah ayaa la sheegay in lasoo taagi doono shaqsiyaadka lagu eedeeyo inay xubno ka yihiin kooxaha argagaxisada, iyadoo xasaanad gaar ah la siinayo ciidamada amaanka ee loo xilsaaray la dagaalanka argagaxisada.