Hargaysa(AN)Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ah gudoomiyaha guddiga jaamacada Hargeysa ayaa sheegay in la xaliyey khilaafkii jaamacada ka taagnaa.
Gudoomiyaha guddiga jaamacada ayaa sheegay in la eryey dhamaan maamulkii iyo macalimiinta khilaafku ka dhashay, isla markaana la magacaabay gudoomiye cusub oo ku meel gaadh ah.
lix qodob ayuu sheegay wasiirku in lagu dhameeyey khilaafka jaamacada, waxaanu yidhi
1-In Jaamacada la furo Sabtida,
2-In amnigeeda la sugo,
3-Dadkii fal-damiyeedka ka galay Jaamacada in sharciga la mariyo,
4-In guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka uu guddidu ka aqbalay istiqaaladii ay dhibeen,
5-In labadii macalin ee Jaamacadu hore u eriday ee sharciga ay marisay inay Jaamacada sidaas kaga maqnaadan oo aanay ku soo noqon,
6-In maamule ku meel-gaadh ah uu noqdo Mahdi Cabdilaahi Cismaan Buuri oo Wasiir hore ahaan jiray”.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








