Maanta waxaan qalinka uqaatay oo sababay inaan qoraalkan abuuro anigoo jecel inuu taxane noqdo kadib markaan arkay masiibada maamul ee ka jirta dagmada arabsiyo taas oo khatar galin karta degmonimada arabsiyo oo ah magaalo qadiimiya oo leh khayraad dabiiciya iyo dhulbeereed ay ka baxdo khudrada wadankeena intiisa badan loo iibgeeyo. Arabsiyo sidoo kale waxay caan ku ahayd tacliinta, ardayda arabsiyo ka soo baxdaana waxay ahaayeen kuwo ka dhexmuuqda bulshada hadba ay joogaan taas oo cadayn u ah in deegaanku guun ku yahay waxbarashada. sidaa si lamida ayaa dhalinyarta arabsiyood illaa wakhtigii dawladii siyaad barre ay hormood ka ahaayeen sportska ayna ahaayeen kuwo markasta ku jira kooxda matalaysa gobolka waqooyi galbeed. waxaa intaas dheer dhulka halka Alle (SWT) uu kaga abuuray dagmadan oo ah goob istaraataji ah oo ah deegaan waxbeeriseed oo ay marto wadada laamida ee isku xidho wadanka bari iyo galbeed.
akhristayaal waxaan qoraalkan ku faaqidi doonaa sidaynu uheli lahayn jawaabaha labadan su aaalood oo ah
- Degamada Arabsiyo matahay degmo isbixin karta ?
- Degmada Arabsiyo dhibaatooyinka haysaa ma mid maamulbaa mise waa mid dhaqaale?
waxaan jeclahay inaad illa wadaagtan baadhis aan ku sameeyay budgetka ama miisaaniyada dawlada hoose ee arabsiyo iyo halkay ay ka soo kala baxdo iyo sida loo maareeeyo ka dib aynu halkaa ka ogaano wixii saxa iyo wixii khalada . xogtan oo aanu ka helnay illo xogogaal ah, dad aqoon uleh dawladaha hoose iyo dadka cashuur bixiyayaaasha ah.
ILLAHA DAKHLI EE DAGMADA ARABSIYO WAXAY U KALA BAXAAN SIDAN.
- Dakhliga cashuurta ardiyada guryahay iyo seesaska
- Dakhliga cashuurta liisamada meheradaha ganacsi
- Dakhliga cashuurta beer biyoodyada iyo beeraha roobka.
- Dakhliga cashuurta bakhaarada ee dajinta rarka.
- Dakhliga maalinlaha ah ee magaalada dhexdeeda
- Dakhliga maalinlaha ah ee kaantaroolka
- Dkhliga cashuurta ceelasha booyaduhu ka dhaamiyaan
- Dakhliga cashuurta casaynta dhulka la seesayo.
- Dakhliga bixiinta Dayrarka guryaha.
- Dakhliga cashuurta saylada adhiga.
- Dakhliga cashuurta ganaaxyada.
Haddaba akhriste waxaan qodob u faaqidi doonaa goobaha dakhli ee dagmada, mid kasta inta ka soo xaroota iyo sida loo kala isticmaalo ama maamulku u kharashgareeyo.
- DAKHLIGA CASHUURTA ARDIYADA
Dakhliga cashuurta ardiyada iyo seesaska degmada arabsiyo way fududahay sidaad ku ogaato, markaad hayso tirada seesaska iyo guryaha ee degmada.
Wadarta tirada guryaha iyo seesaska degmada arabsiyo waa 1800 oo baloodh
baloodhkiiba waxaa lagu cashuuraa 110 000S/sh ah.
Dakhligu wuxuu noqonayaa taranta seesaska, guryaha iyo xadiga cashuurta
1800*110 000= 198 000 000S/sh boqol iyo sideed iyo sagaashan million sanadkii
Haddynu celcelis ahaan ka soo qaadno cashuurta soo xaroon wayda 300 oo guri waxaa sanadkasta dagmada u soo xaroonaya lacag dhan 165 000 000S/sh ah.
SIDEE LOO SOO URURIYAA SIDEESE LOO ISTICMAALAA WAXAYNU KU SOO QAADAN MAQAALKEENA LABAAD
Waxa soo diyaariyey
Aqoonyahan ahmed mahamed ciidle
Arabsiyo S/land








