Laascanood(AN)Waxaa goor dhawayd xilkii iyo xubinimadii Xisbigaba iska casilay Xoghayihii abaabulka iyo wacyi galinta WADANI.
Siyaasi Saleebaan Cabdi Diiriye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanod ee xarunta gobolka Sool, ayaa hadalkiisa ku bilaabay. “Anigoo ah Xoghayihii abaabulka iyo wacyigalinta Xisbiga WADANI waxaan shacabka Somaliland u cadaynayaa in aan iska casilay jagadii iyo xubinimadii Xisbiga WADANI, sababta aan isu casilayna waxa weeye Xisbigii WADANI waxaa isku koobay cid gaara oo isku duubtay taladiisi, wuxuu soo dhaafi wayay koox yar oo Hargaysa joogta, maaha mid ku shaqaynaaya maamul daa dajintii Gobolada meel uu soo gaadhayna ma jirto”
Xoghayihii hore ee abaabulka iyo wacgalinta Xisbiga WADANI oo ka hadlaaya halkuu siyaasiyan uga diga rogtay Xisbiga WADANI wuxuu yidhi. “Anigu Xisbigaygii uunban ka baxay KULMIYE na ma galin waxaan u madax banaanaya hawlahayga ii gaarka ah.”
Masuulkan ayaa noqonayaa kii afraad ee xil muhiim ah ka haya Xisbiga WADANI ee iska casila xubinimadii iyo xilkii Xisbigaba, iyadpp wararka soo baxayaa sheegayaan inay ku xigidoonaan masuuliyiin kale. Geesta kale waxaa si weyn isu soo taraaya dhaliisha loo soo jeedinaayo hoggaanka sare ee Xisbiga WADANI.








