Madaxwayne Siilaanyo oo digreeto ku magacaabay gudi heer qaran oo qaban qaabin doonta Aaska Marxuum Fuaad aadan cade.

0

Hargaysa(AN) Madaxwaynaha S/land Axmed Siilaanyo ayaa magacaabay gudi heerqaran  usaaray Aaska Marxuum Fuaad aadan Cade Allaha unaxariistee Warsaxafadeed kasoo baxay  Madaxtooyada S/land kaas oo uu kusexeexnaa afhayeenka aqalka Madaxtooyada oo nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakada Arabsiyonews ayaa waxa udhignaa sida tan

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay  JSL/M/MG/0833430/072015 ku magacaabay Gudi heer qaran oo qaban qaabin doonta Aaska Marxuum Fuaad aadan cade.

 

 Digreetada Madaxweynaha:-

Ku:      Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada         Guddoomiye

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                          Xubin     

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta                                    Xubin

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Warshadaha                                      Xubin

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada        Xubin

Ku:      Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye              Xubin

Ku:      Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, ahna                                 

            Ku-simaha Maayarka Hargeysa                                           Xubin

Ku:      Mudane, Cabdirashiid Ducaale Qambi                                Xubin                 

Ujeeddo:          Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde

Mudanayaal,

 

Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cadde.  

 

Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, waxaana guddoomiye idiin noqon doonna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada.

 

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk