Madaxwaynaha Djibouti Oo ka qayb galay dabaal daga sanad guuradii 38aad ee dalkaas

0

jibouti(AN)-Madaxwaynaha jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta ka qayb galay dabaal daga sanad guuradii 38 aad ee ka soo wareegtay maalintii Djabuuti ay xoriyada ka qaadatay gumaystihii faransiiska 1977.

 

Munaasibadan oo ay ka qaybgaleen Madaxwaynaha jabuuti oo ay weheliyaan marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd, wasiirka difaaca Xasan dharaar hufane, iyo taliyaha ciidanka qalabka sida ee Djibouti General Sakariye Sheekh Ismaaciil,.

ismaaciil
Dabaal degga ayaa saaka ka bilaabmay fagaare ku yaala magaalada Djibouti, waxaana gaardis ku soo maray Qaybaha kala duwan ee ciidamada Djibouti, iyadoo ay daawanayeen dadwayne badan iyo masuuliyiinta dalkaasi oo uu hurmuud u yahay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Ismaaciil Cumar Geele

JABUTI1 JABUUTI2 JABUUTI3 JABUUTI4 JABUUTI5