Khartoum(AN)-Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ka dhoofay dalka Koofur Afrika, isagoo dhegaha ka fureystay go’aan ay soo saartay Maxkamadda Koofur Afrika, kaasoo ahaa in aanu dalka ka bixi karin.
Diyaarad sida Madaxweyne Al-Bashiir ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Johannesburg, xilli maanta Maxkamada sare ee magaalada Pretoria ay u fadhiisatay dacwad ku aadan in loo gacan geliyo Maxkamadda ICC oo ay ka taal dacwado la xidhiidha dambiyo dhinaca bani’aadanimada.
Wararka ay qorayaan warbaahinta Koofur Afrika ayaa sheegaya in Madaxweyne Al-Bashiir uu si nabad ah uga dhoofay Johannesburg, isla markaana ku sii jeedo magaalada Khartoum, halkaasoo la filayo in saacadaha soo socda uu gaadho.








