Gudoomiye Ciro oo booqasho u eeg kaanbayn cod ka raadin ah ku tagay xaafada sheekh Nuur ee Hargaysa

0

Hargeysa(AN):-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ay wahelinayaan xubno ka mid ah hoggaanka iyo gudida fulinta ee xisbiga Waddani, ayaa booqasho indho-indhayn ah sida oo kalena ay ugu kuur galayaan xaalada dhabta ah iyo baahiyaha kala duwan xaafada Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa ku tagey suuqa saribada, qaar ka mid ah maqaaxiyaha, dukaamada iyo suuqa weyn ee saribada ee ku yaala xaafadaasi, iyada oo sida oo kalena uu guddoomiyahu salaadii jimcaha kula tukaday boqolaal dadweyne ah masjidka weyn ee ku yaala xaafadaasi Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa ugu horeyn meel maqaaxi ah kala shaaheeyey dhalinyarta iyo odeyaasha xaafada Sheekh Nuur, isaga oo sida oo kalena halkaas kaga xog waraystay baahiyaha kala duwan ee jira xaafada Sheekh Nuur, waxaana ay guddoomiyaha halkaas ugu soo bandhigeen baahiyo kala duwan oo ay sheegeen in ay ka jiraan xaafada Sheekh oo ay ka mid ahaayeen biyo la’aan, waxbarasho dugsi Iskuul-sare ah, iyaga oo halkaasna guddoomiyaha kaga codsaday in uu wax kala qabto marka uu ku guulaysto talada dalka.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo isna halkaas hadal kooban a jeediyey, ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey dhammaanba dadka dega xaafada Sheekh Nuur sida qiimaha leh ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu carabka ku dhuftay in aanu xaafada u iman arrimo olole balse uu doonaayo sidii uu dareenkiisa iyo waxa ay ku sugan yihiin uu ula wadaagi lahaa dadka ku dhaqan xaafada Sheekh Nuur, waxaana uu sida oo kale uu sheegay in haddii Alleh idmo marka uu talada dalka ku guulaysto uu wax badan kala qaban doono baahiyaha ka jira xaafada Sheekh Nuur.

Intaa ka dib, waxaa uu guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo weftiga wahelinaayeyba ay socdaal lug ah ku soo dhex mareen suuqa weyn ee Saribada xaafada Sheekh Nuur iyada oo halkaasna ay hooyooyinkii iyo dhammaanba dadii kale ee ganacsatada ahaa ay soo dhaweeyeen guddoomiyaha iyaga oo gacmaha ka dhunkanaaya, sida oo kalena aad ugu faraxsan booqashada uu ugu yimi xaruntoodii ganacsiga.

Ugu danbeyntiin guddoomiye Ciro, waxaana uu boqolaal qof salaadii Jimcaha kula tukaday masjidka weyn ee xaafada Sheekh Nuur, isaga oo salaadii jimcaha ka dibna hadal kooban oo uu u jeediyey dadweynahii masaajidka ku soo tukaday uu duco iyo dardaaranba isagu daray dadkii ka soo qeyb galay salaadii jimcaha, waxaana uu sheegay in Illaahay ka beryaayo in uu qaranka Somaliland ka yeelo mid horumara sida oo kalena aduunyada kale ka hela Ictiraaf buuxa, isaga oo sida oo kalena ugu baaqay bulshada Somaliland ay illaaliso wada-jirkeeda iyo ka hortagida waxyaabaha dhibaatada ku keenaya Nabada iyo xasiloonida dalka.

iskusoo wada duuboo Gudoomiye Ciro ayaa labadii Jimce ee ugu danbayey ku gaala bixiyey meelo la is odhankaro waxay gogol xaadh uyihiin istaraatajiyad uu ku rabo xisbiaga Wadani in uu kaanbay cod karaadin ah ka bilaabo gudaha magaalada Hargaysa isagoo yoolka ka dhigtay meelaha dadka danyarta ah iyo goobaha kukulmaan dhalinyarta aqoonraadita

waxaana xusid mudan in Xisbiga Wadani uu hada ku baraarugay wajigabixi kala kulmay Xisbigaas doorashadii Golaha degaanka ee ugu danbaysay dhanka hargaysa

waxaanu umuuqda hada mid hada indharsacaad aan lahubin halkuu ku danbaynayo umada ku dhaqan caasimada in uu tuso diyaar uah laakin waxaan la hubin halka ay ku danbayn doonto,

Arabsiyonews.com

Hargayssa Desk