Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo tacsi udiray Allaha unaxariistee Suldaan Xiis Bare oo ku geeriyooday Hargaysa

0

Hargaysa(AN) Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi tiiraanyo leh udiray Qoyska iyo Qaraabadii Allaha unaxariiste Suldaan Xiise Bare oo kamid aha salaadiinta S/land ,warsaxafadeed ka soo baxay Xarunta Xisbiga Kulmiye oo nuqul kamid ah soo gaadhay Xafiiska warqabadka Shabakada Arabsiyonews,com ayaa waxa udhignaa sida tan

 

WARSAFADEED

12/06/2015

XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILAND
(KULMIYE)

Address: Jigjigayar, Ibrahim Kodbur District, Hargesia Somaliland.
Tell: 00252-2-527883
Mobile: 00252-4134891,4026659
Email: headquater007@hotmail.com/Website: www.kulmiye.com/www.kulmiye.org
REF: XK/GX/004120/2015 Date:1206/2015

UJ : Tacsi

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa SALAADIINTA , UGAASYADA ,BOQORADA , CUQAASHA ,GUUD AHAAN MADAX DHAQAMEEDYADA ,Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiwaynaha reer Somaliland Geeridii ku timid Marxuum: SULDAAN XIIS BARRE YUUSUF OO ku geeriyooday Magaalada HARGAYSA .

Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo Eheladii ,asxaabtii iyo qaraabadiiba Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin

Md. Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye