Waraabe Gabdh Ku Cunay Tuulada Adhicadeeye ee Gobolka Sool

0

Lascaanood(AN)Galabta abaaro 6:00 pm waraabe xanaqsan oo weerar ku so qadaya meel u dhaw tuulada Adhicadeeye oo lagu magacaabo Abeesalay ee gobolka Sool laascaanood dhinaca waqooyi ka xigta gabadh yar oo afar jir ah oo aabeheed la joogta .

Waraabaha oo la cararay gabadhan yari waxaa ka daba orday aabaha dhalay gabadhan yar , iyado uu waraabuhu ku guulaystay inaan cidi soo qaban aabaha gabadha dhalayna aanay u suuroobin qabashada gabadhan yar .

Dedaal badan ka dib waxaa suuro gashay in la helo madaxa gabadhan yar oo intii kale uu waraabuhu ku cunay .

Labo sano ka hor , waxaa uu waraabe kale cunay wiil ay gabadha qaraabo dhaw yihiin .
Ilo Xog ogal ah ayaa noo sheegay in qaar ka mida dadka dega deegaankaa adhicadeeye inay qasheen Waraabe maalmo ka hor , tasoo u muuqatay in waraabahani uu aar goosi u socday kuna guulaystay in uu u aaro walaalkii la khaarijiyay .

 

 

Arabsiyonews.com

Mawliid ismaaciil Haradigeed

Laascaanood  Office