ASTAAMAHA FAALIG EE UGAARKA AH DUMARKA
Hore waxaynu u soo sheegnay astaamaha iyo calaamadaha guud ee faaliga. waxaase jirta in dumarku ay la kulmaan calaamado gaar ah oo ay ku jiraan astmaaha iyo calaamadaha guud ee aynu hore usoo sheegnay.calaamadaha faalig ee dumarka u gaarka ah waxaa ka mida
miyirdoorsoon
awood daro guud
neefsashada oo ku adkaata
mashquuul
dabeecada oo dagdag isku badasha.
Hadalo isdhaaf ah
lalabo iyo matag
xumad
qalal
Higo
Calaamadaha faalig ee dumarku waxay caqabad ku yihiin daawaynta faaliga sababtoo ah badanaa looma aqoonsado calaamado faalig taasina waxay dib uridaa daawaynta. Daawaynta ugu fiicana waxa la samayn karaa haddii la garto lana daaweeyo faaliga sadexda saacadood ee ugu horeeya ee la arko calaamadaha iyo astaamaha faaliga.
KA HORTAGA FAALIGA EE DUMARKA
Sanadkasta faaligu wuxuu sababaa dhimashada dumarka laban laab in ka badan inta udhimata kansarka naasaha ee dumarka, lakiin arintan bulshadu aad uma wada ogsoona. Dumarkuna sidoo kale ma aqoonsana kharaha gaarka ah ee ay ugu sugan yiniin faaliga.
Dumarka uurka lihi waa inay la socdaan oo ay cabiraan dhiig karkooga intay uurka leeyihiin iyo ka bacdiba si ay u yareeyaan khatarta faaliga.
Dumarka da”doodu ka wayntahay 70 sano waa in laga baadhaa xanuunka wadnaha ee la yidhaa ATRIAL FIBRILATION-gariirka/garaaca wadnaha ee aan caadiga ahayn.
INTAA WAXA RAACA SIYAABII AYNU HORE UGA SOO HADALNAY EE AHAA SIDA LOOGA HORTAGI KARO XANUUNKA FAALIGA
Waxa Qoray Aqoonyahan Axmed Maxamed Ciidle








