Muqdisho(AN)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaadhay wasiirka arimaha dibadda dowladda Qadar Khalid Bin Maxamed, iyadoo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Intaasi ka dib ayaa wasiirka loo galbiyay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya oo uu kula soo kulmay madaxda sare ee dowladda sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Waxyaabaha laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ah, iskaashiga Labada dal, arimaha amniga, waxbarashada, Caafimaadka, tacliinta iyo arimo kale oo muhiim ah.
Khalid Bin Maxamed oo saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “ Waxaan maanta ku faraxsanahay kulanka Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, Waxaan madaxweynaha usoo gudbiyay salaanta Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamim Bin Xamad AlThani xubnaha Xukuumadda waxaa ka wada hadalnay xaaladda Soomaaliya iyo horumaradda la gaadhayo intii ay jirtay Xukuumadda Walaalkay Cumar Cabdirashid”ayuu yidhi Wasiirka arimaha dibada dawlada Qadar(Warbaahinta Tooshnews.net ayaa lagu baahiyay)
Waxaanu intaasi ku daray“Waxaa ka wada hadalnay sidii Qadar ay Soomaaliya uga caawin lahayd meelaha aadka ugu baahan inta dalkan laga caawiyo, taas oo lagu dhisayo dhaqaalaha Soomaaliya dhinacyada Beeraha, Kallumeysiga, dhismayaasha, Caafimaadka iyo meelo badan oo Soomaaliya ay u baahantahay Marxaladaha soo socda, Soomaaliya hogaankan wanaagsan waxaa uu u horseeday horumar lagu kalsoonaan karo, waxaa u rajeynaynaa horumar inaga haddii aan nahay Qadar, waxaan mar walba garab iyo gadaal ka taagnahay Soaamliya”ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada Dalka Qadar
Wasiirka Arimaha dibadda dawladda Federaalka Cabdisalaan Hadliye oo isna Garoonka kusii sagoontiyay dhigiisa Qadar ayaa sheegay in socdaalka wasiirka uu ahaa mid ay aad usoo dhaweeyeen, isaga oo xoojiyay qodobadii laga wada hadlay.
Arabsiyo.net
Muqdisho,Somaliya









