Garisa(AN)-Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan xarakada Alshabaab ay la wareegeen deegaanno hoos yimaad magaalada Gaarisa.
Sida ay wararku tibaaxayaan boqolaal dagaalyahan oo Al Shabaab ka tirsan ayaa xalay fiidkii dagaal la’aan kula wareegay deegaanno istiraatiiji ah kadib markii ay isaga baxeen ciidamada booliska Kenya.
Deggaanka Alshabaab dagaal la’aanta kula wareegeen ayaa lagu magacaabaaYumbis,Waxaanay hoostagtaa magaalada Gaarisa.Warbaahinta Tooshnews ayaa lagu baahiyay.
Ciidamadii Kenya ee ku sugnaa deggaankaasi ayaa la xaqiijiyay inay baqasho carareen kadib markii ay ka war-heleen in ciidamada Al-Shabaab ay gudaha u soo galeen deggaankaasi.
Dibu-gurashadan ay sameeyeen ciidamada Kenya ayaa sababtay in ciidamada Al-Shabaab ay si nabad-galyo ah kula wareegaan gacan-ku-heynta deggaankaasi.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al shabab ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamadoodu galeen deggaanka Yumbis iyagoo aan wax iska caabin ah kala kulmin ciidamada booliska Kenya.
Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa sheegtay in ciidamada Al Shabaab ay 8 saacadood oo xidhiidh ah ku sugnaayeen deegaanka Yumbis. Waxaanay wararku tibaaxayaan in xoogagga Al-Shabaab ay kulamo la qaateen qeybaha bulshada ee ku nool deegaankaasi, sida odayaasha dhaqanka.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa iyaguna waxay sheegayaan in aroornimadii saaka ay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab iskaga baxeen deggaankaasi, kadib markii ay hawlahoodii ka dhamaysteen.








