Dawladda Ciraaq waxa ay dalbatay dad mutadawiciin ah oo la dagaalama Daacish kana caawiya in dib looga qabsado magaalada Ramadi.

0

Dawladda Ciraaq waxa ay dalbatay dad mutadawiciin ah oo la dagaalama Daacish kana caawiya in dib looga qabsado magaalada Ramadi.

Qoraal ay soo saareen Gollaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in ay lagamamaarmaan tahay in askar cusub la qoro si wax looga qabto askar yarida ka jirta galbeedka gobolka Canbar.

Kumanaan qof ayaa isaga qaxay Ramadi tan iyo intii ay qabsaden Daacish Axadii.

Dhanka kalana Maraykanku waxa uu sheegay in uu kja baaraandagayo sida ugu haboon ee loo caawinkaro xoogaga deegaanka.

Afhayeen u hadlay Golaha ammaanka ee Qaranka Maraykanka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay macquultahay in talaabooyinka la qaadayo ay ka mid noqon karaan in tababaro iyo qalab la siiyo qabaailada deegaankaasi iyo in la taageero hawlgalada dawladda si dib loogu qabsado Ramadi.

Madaxwayne Barack Obama waxaa xaaladda taagan u sharaxay lataliyeyaashiisa waxa uuna ”markale xaqiijiyay in Maraykanku uu taageero wayn u hayo” Ria’sal wasaare Xaydar Al-Cabaadi