Laba Caruur ah oo ku Dhintay iyo Lix ku dhaawacantay Danab ka Dhacay Deegaan ka Tirsan Gobolka Buuhoodle

0

Buuhoodle(AN)-Laba qof ayaa ku dhintay Lix kalena way ku dhaawantay Kadib markii uu Xalay Fiidkii uu haleelay danab ka dhashay roobabka ka da’aya Gobolka Buuhoodle gaar ahaan deegaanka Xamar lagu xidh.Dadka Danabkan ku Waxyeeloobay ayaa ka soo wada jeeda hal qoys.

Gaashaanle dhexe Cabdiraxmaan Xaaji Khaliif oo ah Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Buuhoodle ayaa waraysi arintaasi ku saabsan warbaahinta gudaha siiyay.