Hargaysa(AN)-warqaddan oo hore madaxwayne Axmed Siilaayo uga jawabay sida uu baahiyay Waragysaka Geeska Afrika ee ka soo baxay magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland oo shabakada Tooshnews ka soo xigatay ,taasi oo uu helay dhambaalkii uu dalka maraykanku u soo diray Madaxwayne Axmed Siilaanyo oon loogu talo galin warbaahinta ayaa waxa dusha sare kaga suntan safaarada maraykanku ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya,qaybteeda qaabilsan arimaha Somaliya uuna ku saxeexan yahay ergayga maraykanka u qaabilsan Somaliya Danjire James p.Mcanulty waxaanay ku taariikhaysantahay April 22, 2015ka.
Haddaba warqadaasi sida tooska ah ugu socota madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamuud Siilaayo ayaa u dhignayd sidan:
Mudane Madaxwayne,waxaanu dhawaan ogaanay,in masuuliyiin ka mid ah golahaaga wasiirada iyo xubno ka tirsan golaha guurtidu ay ka hawlgali doonaan sidii doorashada Somaliland laba sano dib loogu dhigi lahaa,halkii ay ka ahayd in ay dib u dhacdo hal sanno,ee ay soo jeediyeen komishanka doorashooyinka Somalialnd .
Waxa aanu doonaynaa inaaanu kuu soo gudbino walaaca wayn ee aan ka qabno in ficil noocaasi ahi lagu kaco,kaasi oo aanu u tixgalin doonno in uu hagardaamo khatar ah ku yahay hor-usocodka dimuqraadiyada Somaliland oo sannadihii la soo gaadhay gaadhay guulo waawayn.
Dib u dhaca dimuqraadiyadeed ee noocaas ahi waxa uu wiiqi doonaa hawlaha adag ee aanu hadda ka qayb qaadano siyaasada iyo dhaqaalaha Somaliland.
Waxa aanu si dhab ah uga niyad janbsanahay in qaar ka mid ah masuuliyiinta laga yaabo inay diyaar u yihiin horusocodkaas mudada dheer sii jiray ee Somaliland gaadhay ay u sadqeeyaan helitaanka faa’ido siyaasi ah oo mud gaaban jirta.Shabakada Tooshnews waxa ay ka soo xigatay Geeska Afrika.Somaliland,waxa ay illaa hadda leedahay diwaan fiican oo ah u hogaansanaanta mabaadiida dimuqraadiyada ,taasi oo ay soo martay inay ka qabsoomaan doorashooyin xor oo xalaal ah oo lagu kalsoonnaan karo.
Marka horeba waxa ayaandaro ahayd inanay doorashooyinku dhacay wakhtigoodii loogu talo galay sannadkan 2015,iyadoo waliba jirtay inay shaki wayn ka muujiyeen dib u dhacaasi qaar ka mid ah dhincayda caalamiga ah ee ka qyab qaata hawshan oo uu ku jiro Maraykanku.Waxa aan fahansanahay in dhammaan dhinacyada ay khusaysaa in kasta oo ay qaarkood ka cago-jiideen ay aqbaleen jawdalka cusub ee uu komishanka doorashooyinka Somaliland soo jeediyay in doorashadu ku qabsoonto bisha Juun 2016ka.
In laba sanno doorashada dib loo riixaa,waa wax aan la aqbali karin,dhinacyada ka qayb qaata ee caalamiga ahina tallaabo noocaas ah waxa ay u arki doonnaan xeelad siyaasadeed oo loogu danaynayo canaasiir gaar ah oo ay ka mid yihiin xildhibaannada aan la soo dooran ee dhaxaltooyada ah ee guurtida si ay awooda sharci darro ugu sii fadhiyaan,sharciyaddooduna markaa dhammaato kadib.Shabakada Toosh waxa ay ka soo xigatay Warayska geeska Afrika.
Mudane,waxa aan si niyad ah u rajaynaya,in maamulkaagu uu muujin doono geesinimo siyaasadeed iyo madaxtinimo ay ugu hoggaansamaan soo jeedinta komishanka doorashooyinka sidii horeba si ballaadhan wacadka loogu galay oo maamulkaagu uu baahida dadka reer Somaliland ka horumariyo danaha shaqsiga ah ee ay leeyihiin dad aad u tiro yar”ayaa lagu soo gabagabeeyay warqadaa maraykanku madaxwayne Axmed Siilaanyo u soo diray.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








