Arabsiyomedia- Tartankii feedhka ee la wada sugayay ayaa ku soo gabagoboobey magaalada Las-Vegas ee dalka Maraykanka.
Feedhka qarniga oo ay ciyaarta kama dambaysta ah isugu soo hadheen Floyd Mayweather oo ah feedhyahan Madow ah iyo Manny Oacquiao oo u dhashay dalka Philipinne.
Tartanka Feedhka oo muddo toban Sanno ah la sugayay ayaa waxa laga daawaneyay aduunka oo dhan waxana feedhyahanka caanka ah ee Floyd aan laga badani 48 Tartan oo uu galay .
Labada feedhyahan ayaa 12kii wareeg ee ay wada ciyaareen aan labadaba dhulka la dhigin,wallow Floyd oo feedhii cuslaa tuureyay uu helay dhibo aad u badan sida ay cadeeyeen garsoorayaashu.
Floyd ayaa helay 118-110,halka uu Manny helay 116-112 waxa sidaa lacagtii tartanka u taalay 300 miyan ahay helay Floyd Mayweather 180Miyan halka Manny ka helay 120Miyan.
Arabsiyomedia.com
Sir Fuad Axmed
















