Muqdisho(AN)Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta (Sabti) Muqdisho lagu diley Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada ee Puntland. Xildhibaanka ayaa lagu magacabaa Aadan Xaaji Xuseen Ismaaciil, waxaana uu baarlamaanka Puntland ka soo galay Gobolada Sool/Cayn, waxaana uu kamid ahaa Xildhibaanada mudada dheer ku soo jirey Baarlamaanka Puntland, tan iyo Xukuumaddii ugu horeysey ee Puntland 1998.
Dilka Xildhibaanka ayaa ka dhacay Degmada Hodan Xaafadda Taleex meel aan ka fogeyn qunsuliyadda Turkiga.
Ma jirto cid weli shaagatey dilka Xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Puntland. Xildhibaanka la diley Aadan Yare ayaa Muqdisho u joogey arrimo Caafimaad todobaadyadii u danbeeyey, isaga oo isku baarayey isbitaalka Erdogan ee dhawaan xariga laga jaray.
Xildhibaano badan ayaa horey loogu diley Muqdisho, waxaana uu noqonayaa xildhibaankii u horeeyey ee ka tirsan Golaha Wakiilada ee Puntland ee lagu dilo meel ka baxsan Puntland.








