Hargaysa(AN)War qoraal ah oo ay soo saartay xarunta xuquuqal iinsaanka Somaliland oo soo gaadhay Shabakada Tooshnews ayaa u dhignaa sidan:
“Waxaa maanta abaaro 09:00 subaxnimo lagu xidhay maxkamada gobolka Hargeisa Guleid Ahmed Jama oo ah Gudoomiyiha Xarunta Xuquuqal Insaanka isagoo hawl maalmeedkiisa shaqo ee caadiga ahaa ku guda jira. Waxaa amarka qabashada bixiyay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeisa. Amarkaas qabashadu muu ahayn mid sababaynsan. Waxaa la qabtay iyadoo aan waaran qabasho oo maxkamadi soo saartay aanu jirin”Ayaa lagu yidhi Qoraalka ka soo baxay Xarunta xuquuqal Iinsanka Somalialnd
Waxaanu intaasi ku daray“Gudoomiyaha Maxkamada Gobolku waxa uu si cad ugu xad gudbay qodobka 25aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland kaas oo dhigaya inaan qofna la xidhi karin iyadoo aan loo hayn Waaran Qabasho oo Sababaysan”Xarunta Xuquuqal Iinsaanka
Xarunta ayaa cambaaraysay xadhiga gudoomiyaha xarunta xuquuqal iinsaanka Somaliland“Xarunta xuquuqal Insaanku waxay si adag u cambaaraynaysaa xadhigaa sharci darada ah ee lagula kacay Gudoomiyaha Xarunta. Waxaanay ugu baaqaysaa Xaruntu Gudoomiya maxkamada Gobolka inuu si deg-deg ah xoriyadiisa ugu soo celiyo Guleid Ahmed Jama.”ayaa lagu sheegay
Warkan qoraala oo uu ku saxeexan yahay Axmed Xuseen Cabdi oo ka tirsan Xarunta xuquuqal Iinsaan Somaliland.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








