Wariyasha Ka Hawl Gala Gobaladda Bariga Iyo Bartamaha Somaliland Oo Si Midaysan Ugu Dhawaaqay Urur Saxafaded Lagu Magacaabo Secja+Sawiro

0

Waxa Ka Soo Qayb Galay Wariyayaal Tiro Badan Oo Kale Socday Gobalada Sool,Saaxil Iyo Togdheer

Burco (AN)_Bahda Saxafada Ee Goboladda Bariga Iyo Bartamaha Somaliland Ayaa Manta Si Rasmiya Ugu Dhawaaqay Urur Saxafadeed Ay Yeelan Donaan Suxufiyintaasi Isla Markaana Ugu Maacdaray Somaliland East And Central Journalism Assiccation (SECJA) Ururkani Oo Wax Badan Ka Badali Doona Baahiya Ku Gadaaman Saxafiyintaasi,

Waxana Madashi Koobsanaysay Dorashada Hogaanka Cusub ,Ku Dhawaqida Iyo Asxinta Magaca Uu Yeelan Doono Ururkaasi Waxana Kasoo Qayb Galay Wariyayaal Tiro Badan Oo Ka Kale Socday Gobolada Sool,Tigdheer Iyo Saaxil,Waxa Iyaguna Kasoo Qayb Galay Hogaanka Xisbiyadda Mucaradka Ee Gobolka Togdher,Qaar Ka Mida Haldoorka Gobolka Togdheer Iyo Marti Sharaf Kale

sec2

Waxana Ugu Horaynba Munasibadani Ka Hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer,Mr Aaadan Xuseen ,Gudoomiye Xisbiga Wadani Ee Gobolka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd, Iyo Mart Sharaf Kale Waxayna Ku Dheeradeen Muhimada Ay Ururkani Uleeyahay Saxafiyinta Goboladda Bariga Iyo Bartamaha Somaliland Waxa Kale Oo Ka Hadleen Cabudhinta Xukumadu Ku Hayso Saxafiyinta Somailand Waxana Hadaladoodi Ka Mid Ahaa Sida Tan” Marka Hore Waan Soo Dhawaynaynaa Ururkan Cusubi Ee Aad Ku Dhawaaqdeen Waa Mid Waxwayn Ka Badali Doona Bayihiina Idinku Gadaaman Waana Mid Loo Bahnaa Ururkan Inaad Samaysataan Waxa Aan Ka Xunahay Xukumadan Hada Talada Haysaa Markay Sideedi Sanadood Ee Ay Ahayd Mucaraadka Waa Tii Udoodi Jiray Inaan Saxafada La Cabudhin Hadana Hadaiyaga Ayaa Ugaysta Xad Gudubka Ugu Badan Ee Saxafiyinta Lagula Kaco Oo Hada Caado Unaqotay Xukumada Inay Xidhxidho Saxaafiyinta Taasina Waa Nasiib Darro Waxa Aan Leenahay Saxafiyintu Waa Halbawlaha Wadanka Waana Ta Qudha Ee Xaqiiqda Sheegta”

sec3

Intaasi Ka Dib Saxafiyintii Kasoo Qayb Galay Madashani Ayaa Si Rasimya Ubilawday Shirkoodi Kawaad Ee Ururka Oo Ay Kaga Arinsanayeen Magaca Ururka Iyo Doorashada Hogaanka Ururka Waxana Si Gacan Tag Ah Lagu Codeeyay Gudoomiyaha Ururka Saxafiyinta Bartamaha Iyo Bariga Somaliland Wariye Yaasin Jamac Cali Oo Ka Mid Ah Wariyasha Ka Hawl Gala Gobolka Saaxil Halka Cod Gacantaag Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Ururkani Loo Doortay Axmed Saakaro OO Ka Mida Wariyasha Ka Hawl Gala Magalada Burco Waxa Kale Oo Cod Gacan Taag Ah Isagana Lagu Codayay Xoghayaha Ururkan Oo Loo Doortay Wariye C/Raxmaan Cali Ducaale Oo Ka Mida Wariyasha Ka Hawl Gala Gobolka Sool ,

sec2

 

Waxana Madashani Ka Hadlay Gudoomiyaha Cusub Ee Ururkanu SECJA Wariye Yaasin Jamac Cali,Ku Xigeenkiisa, Axmed Saakaro Iyo Xoghayaha Cusub C/Raxmaan Cali Ducaale Waxayna Ku Dheeradeen Muhimada Uu Ururkani Ulayahay Saxafiyinta Gobaladda Bariga Iyo Bartamaha Somaliland Waxa Kale Oo Ay Si Isku Mida Uga Hadleen Baahiya Ku Kalifay Waxayna Ay Sheegeen Inuu Ururkani Yahay Mid Ka Madax Banaan Ururka Solja Waxana Hadaladiisi Ka Mid Ahaa Sida Tan” Waxa Halkan Iskugu Imid Suxufiyinta Gobalada Bariga Iyo Bartamaha Somaliland Oo Manta Halkan Shir Ay Ku Yeesheen Ku Sameeyay Urur La Yidhaahdo SECJA Oo Ka Shaqayn Doonaa Danaha Suxufiyinta Gobalada Bariga Iyo Bartamaha Somaliland De Ururkan Manta Lagu Dhawaaqay Waxa Kaliya Ee Uu Ka Shaqaynayaa Waa Hormarinta Suxiyin Cid Uu Cadaw Ku Yahay Iyo Cid Uu Ku Duulayaana Ma Jirto Ururkani Waa Mid Ka Madax Banana Ururka Solja Ta Qudha Ee Loo Samayay Ururkani Waxa Weeyi Sidii Ay Saxafiyintu Ay Ku Nool Gobalada Bariga Iyo Bartamaha Somaliland Uu Heli Lahayeen Aqoon Korarsi Ama Tobobar La Xidhidha Shaqo Maalmeedkoda Waxana Halkan Uga Mahadnaqaynaa Shir Gudoonki Oo Si Wanagsan U Hogaaaminayay Dhamaana Suxufintana Waan Umahad Naynaa”

sec9

Waxana Gabagabadii Shir Gudoonka Iyo Hogaanka Cusub Ee Ururku Si Wada Jira Ugu Dhawaaqeen In Shirwaynaha Labaad Ee Ururkani 1may La Isku Tagi Doono Magalada Berbera Ee Gobolka Saaxil Isla Markaana Lagu Asxindoona Ajindayasha Iyo Humaaga Ururka La Iskaga Iman Doono Gobalada Sool,Sanaag,Togdheer,Daadmadheedh Iyo Saraar

Markii Soo Idlaaday Shirkaasi Ayaa Dhamaan Saxafiyintii Ka Soo Qayb Galay Madashani Baaladhani Ee Lagu Dhawaqayay Ururkani Ayaa Waxa Ay Si Midaysan Hambalyo Iyo Bogaadinba Udireen Dhamaanba Hogaanka Cusub Ee La Doortay Waxyna Ilahay Uga Baryeen Muddo Xileedkooda In Ilahay Ku Asturo.
Arabsiyonews.com Office Gabiley somaliland