Gabiley(AN) Mashruuc lagaga Hadlayay Sidii Loo Joojin Lahaa Xadgudubyada Lagula Kaco Dumarka Iyo Dhalinyarada Oo Lagu Qabtay Gabilay.
Mashruucan ayaa furitaankiisii waxaa ka soo qayb galay Maayerka Magaalada Gabiley Xildhibaano Iyo Masuuliyiinta Waday Marshuucan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo mati sharaf kale.Waxana Marshuucan Maal-galinasa Hay’adda Marka Lasoo gaabiyo Magaceda Loo yaqaan (F S UF) Oo Fadhigedu Yahay Dalka Sweden Inta Badana Ka Shaqaysa Arimaha Bulshada, Gobolka Gabileyna Ka Fulsiay Mashaaiic Badan.Waxaa Mashruucan Fulin-doona Hay’adda Center for sustainable development (CSD).Ugu horayna waxaa faah-faahin kabixiyay ujeedada kulankan Gudoomiyaha Hay’adda (CSD) Axmed Ismaacil Idiris Iyo Madaxa Mashruucan Maxamed Xasan Kaahiye( Abdi Rahim) Oo Hadalka iskaga kala Danbeyay ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan masharuucan Oo ah Mid Faa,ido Badan ULeh Dhamaan Bulshada Qaybaheda Kala Duwan Ee Ku Dhaqan Gobolka Gabiley
Maxamed Xasan sh maxamed Juba Arabsiyonews.com Office Gabiley somaliland








