Hargaysa(AN)-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ayaa shirkadaha iyo hay’adaha ka hawl gala Somaliland ku amray in ay xafiiska ogolaanshiiyaha ka diiwaan geliyaan shaqaalaha ajanabiga ah ee la shaqeeya Qoraal uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay facebookga ayaa waxa uu ku sheegay in talaabo laga qaadi doono cidii aan dariiqaasi soo marin.
Qoraalkaas oo dhamaystirnaa ayaa u dhignaa sidan “Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada waxay ku wargalinaysaa Shirkadaha iyo hayadaha in Shaqaalaha ajenabiga ah ee la shaqeeya ka diiwaan galiyo Xafiiska oggolaansha shaqo (Work Permit )muddo bil gudaheed.
Wixii kadambeeya waxaa loo aqoonsanayaa qof sharcigii ku gafay, Waxaana lala tiigsanayaa Sharciga” Ayuu ku yidhi.








