Muqdisho:Weerar ismidaamin iyo foolka fool iskugu jira oo lagu qaaday wasaarada hidaha iyo tacliinta Somaaliya.

0

Muqdisho(AN) — Ugu yaraan 10-qof oo rayid u badan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo lagu qaaday maanta barqadii dhismaha wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Somalia.

Weerarkan oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa darbiga dhismaha wasaaradda lagu dhuftay, iyadoo sidoo kalena gudaha wasaaradda laga maqlay rasaas la is-dhaafsanayay.

“Qarax weyn ayaa lagu weeraray wasaaradda, kaddibna waxaa gudaha laga maqlay rasaas culus oo la is-dhaafsanayo,” ayuu sarkaal booliska Somalia ka tirsan u sheegay warbaahinta Soomaaliya.

Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa sheegay inay daqiiqado ka hor intii uusan dhicin qaraxa ay ka baxday dhismaha wasaaradda wasiiradda waxbarashada iyo taclinta sare ee Somalia oo halkaas shir kula lahayd shaqaalaha wasaaradda.

“Gaariga waxaa lagu dhuftay darbiga wasaaradda, goobtana waxaa u dhawaa masaajid ay dad badan ku tukanayeen, sidoo kalena waxaa ku yaallay goobo shaaha laga cabi, gabi ahaan dadkii halkaas ku sugnaana way baaba’een, balse tiro sax ah kuuma sheegi karo,” ayuu HOL u sheegay mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa .

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ismiidaaminta ah, iyadoo afhayeenkooda howlgallada uu sheegay in gudaha wasaaradda ay kula dagaalamayaan ciidamada dowladda.

“Weerarka waxaa fuliyay xoogaggeena, gudaha ayayna weli kula dirirayaan ciidamada dowladda,” ayuu yiri Abuu-Muscab oo faahfaahin intaas ka badan aan bixin.

Sidoo kale, ganacsade dukaan ku lehaa agagaarka wasaaaradda ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xoog badan, isagoo xusay in markii uu qaraxu dhacay uu kursigii uu ka fadhiyay la dhacay.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada dowladda Somalia ay isku dayayeen xilliyadii ugu dambeeyay inay adkeeyaan amniga Muqdisho oo ay dhowr jeer oo hore qaraxyo ka dhaceen.

 

 

Arabsiyonews.com

Muqdisho Office