Khilaaf Ka Dhex Dilaacay Komishanka Dorashooyinka Somaliland Oo Keenay Inay Gacmaha Iskula Tagan

0

Hargeysa (AN) Is-faham la’aan isa soo taraysa ayaa la sheegayaa inay maalmahan ku soo kordhayso xubnaha Komishanka Doorashooyinka qaranka qaarkood, kuwaasoo aan la garanayn illaa hada waxa ay isku maan-dhaafsan yihiin.

Ilo wareed waaheen uga waramay khilaafka Xubnaha Komishanka qaarkood ayaa ku waramaya inay shalay laba Komishaneer gacanta isku qaadeen xarunta Komishanka dhexdeeda, hase yeeshee lama hayo tafaasiil dheeraad ah oo la xidhiidha dhacdadan.

Komishanka ayaa ka kala socda dhawr Hay’adood oo kala duwan, kuwaas oo caadiyan laga soo xulo, hase yeeshee waxa soo baxa inay mararka qaarkood isku qabtaan aragtiyaha kala duwan ee ay kala qabaan marka ay timaado shaqada ay Qaranka u hayaan oo midiba dhinac ka eego sidii loo fulin lahaa.

Dhacdadan oo kali ah ma aha wararka dhiilada leh ee laga helayo Komishanka dhexdooda hase yeeshee waa isa soo tarayey maalmahanba in raga qaarkood hadaladu ka taag taagan yihiin, isla markaana ay jiraan dareeno ku xidhiidhsan gacmo ka baxsan dhexdooda, kuwaas oo u muuqda inay cid walbaaba gaar u wadato.

Ma cada in khilaafka dhexdoodu la xidhiidho qabsoomida Doorashada oo ay dadweynaha, Axsaabta iyo Xukuumadduba ku kala af-kaar duwan yihiin, hase yeeshee waxa jira dhawr dareen oo ku qotoma hab-dhaqanka maamul iyo dabeecadaha ay kala sitaan oo aan wali isla jaan-qaadin.

Si kasta ha ahaatee, haddii ay dhab tahay inay is-gacan qaadeen qaar ka mid ah Komishanka Doorashooyinka waxay u muuqdaan kuwo haya tubtii lagu kala diray komishankii ka horeeyey kii wakhtigu ka dhamaaday, kuwaas oo dagaal dhexdooda ahi galaaftay.

Xigasho Waaheen