Wasiirka hawlaha guud oo kahadlay laalistii golaha wakiilada ee xeerkii baabuurta ee muranka xoogan dhaliyey

0

Hargeysa(AN)Wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka ee Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa ka xumaaday go’aanka golaha wakiiladu ku laalay lacagta 80 dollar ahayd ee laga qaadi jiray baabuurta dalka soo galaysa. Waxa uu sheegay inaan gudoomiye Cirro iyo mudaneyaasha Kulmiye ee ansixiyayba daacad ka ahayn Mooshinka arrintan lagu laalay isagoo iftiimiyay inay suuro gal tahay inay isaga ku xumaynayeen.

Wasiirku waxa uu sheegay inay aqbalayaan go’aanka inkasta oo uu ku tilmaamay mid aan sifihii sharciga ahaa marin. Wasiirka oo maanta saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in hawsha baadhistu sii soconayso balse lacagta la joojinayo.

“Marka hore Waajibaadka Wasaaradda hawlaha guud ayay ka mid tahay in la baadho badqabka baabuurta, waxaana jira qodobka 47-aad ee Xeerka Waddooyinka ee la ansixiyay oo jidanaya in baabuurta la baadho, waxaanuna Lacagta u arkaynay inay ahayd Adeeg ee aanay ahayn Cashuur iyo takaaliif la soo kordhiyay laakiin, maadaama qoladaas baarlamaanku sidaas go’aansadeen Hay’addaha dawladduna ixtiraam isku leeyihiin sidaas ay u joojiyeen ayaanu u aqbalay”

Wasiirku waxa uu sheegay in shaqada baadhistu sii soconayso, Kharashka ku baxana dawladdu bixinayso “Shaqadii baadhista badqabka gaadiidu sideedii bay uga sii soconaysaa Dekedda iyo Wasaaraddaba, wixii Kharash ku baxayana dawladda ayaa bixinaysa waayo? Xil baa naga saaran dadweynaha, gaadiidka iyo waddadaba. Gaadiidku baadhistii sharciga ahayd buu marayaa, wixii ka xun buu qofku samaysanayaa kadibna waa la so daynayaa iyadoo aan wax lacag ah laga qaadin”, ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu naqdiyay qaabka loo ansixiyay Mooshinkii golaha wakiiladu ku laalay Cashuurta Gaadiidka laga qaadi jiray “Runtii habka shalay arrintu martay ma ahayn hab sax ah, haddii mooshinka la keenay waxay ahayd in golaha loo qaybiyo, in la taliye sharci loo diro, in goluhu soo akhristo laakiin, waad ogaydeen wixii dhacay, qolada Kulmiye(Xildhibaanada Kulmiye ee Mooshinka u codeeyay) waxay ka mid yihiin golaha, wayna dhici kartaa inay wuxuu jiraan, laakiin, waxaan ku eedeeyo ma garanayo, Qolyahayaga Baarlamaankana hawlahoodu way iska badan yihiin oo in tabashooyin iska jiraan waa laga yaabaa”, ayuu yidhi Mr Cabdirisaaq Khaliif.

Wasiirku waxa uu ku eedeeyay Gudoomiyaha Golaha wakiilada inaanu dariiq sharci marin Mooshinka arrintan lagu laalay “Waxaanu leenahay gudoomiyuhu haddii uu isagu gafay oo uu mari kari waayay Sharciga, Ladh baa ku taagan oo meelo kale ayaa hadda culays ka haystaaye inaanu nagu mado reebane aanu arrintaas siday tahay aanu u qaadano”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in baabuurta dalka soo galaysaa tahay mid tayo ahaan liidata “Maadaama ay masuuliyadda badqabka gaadiidka iyo dadkuba anaga na saaran tahay, waad ogtihiin baabuurtu markay dekedda ka soo baxaan taayiro bacad yaal ah baa ku jira, maalin walba waxay ku dhacaan inta dekedda iyo Magaalooyinka u dhexaysa, Baabuurtu waa baabuur aad u liidata, Baabuurta dalkeena timaadaana maaha baabuur cusub, wixii cusub lama baadhayo ee sidooda ayay u soo baxayaan wixii kale tijaabadii ayaa la marinayaa”, ayuu yidhi Wasiirka hawlaha guud

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk