Taliye Ka Tirsanaa Ciidanka Qaranka Oo Askari Ku Dilay Deegaanka Gobolka Sanaag.

0

Hargeisa(AN)-askari ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ayaa dil ku fuliyay taliyihii guutada 93aad Saldhiga 3aad Alle ha u naxariistee Laba xadhigle Baashe Cabdi Cali deegaanka Ceelbuux ee ka tirsan gobolka Sanaag.

Wararka shabakada Tooshnews heshay ayaa sheegay in askariga dilka fuliyay uu ka tirsanaa guutada 93aad Saldhiga 3aad isla markaan shaqada laga laga joojiyay,kadibna uu dilkan u gaystay taliyihiisii.

Askarigii dilkan gaystay ayaa gacanta lagu dhigay kadib markii uu isku dayay inuu baxsado.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk