Maxkamada Ciidamada Somaliya oo dil ku xukuntay rag ku eedaysanaa dilkii Xildhibaanada.

0

Muqdisho(AN)-Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay laba nin oo hore loogu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilal loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka oo sanadkii hore lagu dilay Magaalada Muqdisho.

xildhibaanada-la-dilay

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in labadan nin oo lagu kala magacaabo Shuceyb Ibraahim Mahdi oo 37 jir ahaa iyo Faarax Cali Cabdi oo 30 jir ahaa ay qirteen inay ka dambeeyeen dilka“Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida waxay shantii bishan afaraad u fadhiisatay dacwada eedeynayaasha kala ah Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi oo ka tirsanaa Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta dilalka qorsheysan ku fulisa gawaadhida yar yar, maxkamada markii ay aragtay qiraalkooda iyo cadeymaha, waxay ku xukuntay dil toogasho ah”ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Shuute.

dilkii

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Shuceyb uu ahaa ninkii ugu sareeyay kooxdan, isla markaana ay hore u abaabuleen weerarkii UNDP, waxaana uu intaa ku daray in sidoo kale ay ka dambeeyeen dilka labo sarkaal oo ka tirsanaa Hey’adda Nabadsugida Qaranka.

Labadan ruux ayaa dilalka lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen waxaa ka mid ahaa:-

1- Ex Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo la dilay 23 bishii July 2014
2- Ex Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo la dilay 3-dii bishii July 2014
3- Ex Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Madeer 9 bishii Agosto 2014
4- Axmed odawaa Baalle oo ka tirsanaa Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka la dilay 14 bishii July 2014
5- Maxamed Axmed Qaanuuni oo ka tirsanaa Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo la dilay 12-kii bishii September 2014

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay inay Maxkamadu la wareegtay qalabkii iyo baabuurkii ay lahaayeen raggan, isagoo xusay in waxyaabaha laga soo qabtay gurigii ay ka degenaayeen degmada Wadajir ay ka mid ahaayeen shan jaakado kuwa qaraxyada ku xidhan.

 

Arabsiyonews.com

Muqdisho Office